SOMALILAND: Gabadh U Ololaysa Guurka Dadka Isku Jinsiga Ah Oo Carwadii Buugaagta Hargeysa Lagu Marti Qaaday.

0
55

Gabadhan ayaa Hoyga ugu weyn ee u ololeeye guurka dadka isku jinsiga ah ku leh dalka Ingiriiska.

Hargeysa(Hubaal)- Carwada buugaagta ee Hargeysa oo sanadkiiba hal mar lagu qabto magaala-madaxda Hargeysa, laguna soo bandhigi jiray buugaag iyo dhaqan, ayaa sannadkan lagu arkay barnaamij aad uga cadcad oo lagu magacaabo Women of World (WoW).  Taas oo maaliyad badan ku taageertay barnaamijka buugaagta ee sannadkan. WoW waa barnaamij ay aasaastay gabadh lagu magacaabo Jude Kelly. Jude marka laga tago barnaamijkan waa agaasimaha fanka ee xarunta Southbank oo ku taalla Ingiriiska kaas oo u dhaqdhaaqa guurka dadka isku jinsiga ah.

lesbien cambaignerXogo rasmi ah oo aannu helnay ayaa soo bandhigaya in Jude tahay gabadh u ololeysa aadna u taageerta guurka loo yaqaan “Gay Marriage” ama Liwaadka.

Maqaal lagu baahiyey warbaahiyaha Standard ee ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa warbixin uu ka qoray ay ka mid ahayd “ Qof wali ba bay tidhi (Jude) wax buu ka baran karaa bulshada liwaadka “Gay society” kuwaas oo ballaadhiyey fikirkooda la xidhiidha galmada.  Guurka lammaanaha isku jinsiga ah aad bay qalbigeeda ugu weynyihiin. Waxa ay sheegtay in ay u hanwayntahay inanteed 27 jirka ah Caroline oo gabayaa ahi in ay guursan doonto gabadh kale dhowaan.” Intaas waxa ay ku dartay jariiraddu “Kelly waxa ay ka furaysaa xarunteeda Southbank goob ay isku aroostaan ragga ragga guursada ama dumarka dumarka guursada si ay u xoojiso taageeradooda”  lesbien“Every one, she says can learn from the gay community, who embrace a much wider view of sexuality. Gay rights are close to her hearth; she tells me proudly that her 27 years old daughter, Caroline a poet, is a gay and will be marrying her partner later this year. Kelly is opening the Southbank as wedding venue to straight and gay couples for the power to be wed weekend this summer.”

Carwada buugaagta Hargeysa ayaa aad loogu weeyneeyay sannadkan iyada oo kulanno kula qaadatay hablaha da’yarta ah ee reer Somaliland khudbadona u jeedisay. Tan oo ahayd in loo weyneeyo Jude, iyada oo aanay cid badani aqoon u lahayn hawlahan ay ku shaqayso.

Waxa kale oo ay kulanno la qaadatay qaar ka mid ah ururrada bulshada si ay u xoojiso xidhiidhkeeda taas oo saamayn ku yeelan karta hawlaha ururrada looga bartay. Arrintan ayaa dhabarjab ku ah bulshada iyada oo aanay war u hayn masuuliyiinta dowladda ee ay khusayso arrintani.

Halkan ka akhriso warsaxafadeed uu soo saaray xafiiskeeda Southbank.

 

http://www.southbankcentre.co.uk/sites/default/files/press_releases/mass_wedding_weekend_at_southbank_centre_to_celebrate_same-sex_marriage_bill_0.pdf

http://www.standard.co.uk/goingout/attractions/jude-kelly-you-cant-go-on-pretending-everything-is-equal-when-you-secretly-know-it-isnt-9169929.html

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here