SOMALILAND: Dhalinyarada Bahallowday Iyo Waalidiintooda Oo Isku Si Loo Ciqaabayo

0
32

DAAWO: Duruufaha ku geddaaman sugida nabad-gelyada iyo xakameynta Dilalka sii kordhaya iyo Waran cadde oo ku dhawaaqay Qaraar  cusub

Saldhigyada oo noqday xabsi lagu hayo dadka Garsoorka  lagala war-wareegayo…

Hargeysa(Hubaal)-Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Somaliland iyo Taliska Booliska, ayaa Shaaca ka qaaday qaraar culus  oo lagu xakamaynayo Dhalinyarada habeenkii Baadhashada iyo fowdada ka sameeya Magaalooyinka waaweyn, kuwaasoo oo beryahan dambe soo kordhiyey  dilal si  fool xun dadka loogu geysto iyo dagaal kooxaysi ah oo ay iskala hor-yimaadaan iyagoo xaafaddo kala sheeganaya.

“Habeen dambe wixii ka dambeeya, Qof kasta oo lagu qabto Fal ka dhan ah nabad-gelyada isagoo faraha kula jiraa wuxuu mutaysanayaan xabsi dheer oo aan hore loogu qaadi jirin, waalidka carruurtooda ka adkaan waaya ee ku eegaya baxdowga, iyagana sharciga ayaa lala tiigsan doonaa”sidaa waxa Warbaahinta u sheegay maanta Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde oo hogaaminayay Madaxda heer Gobol iyo heer degmo ee Nabad-gelyada iyo saraakiil ka socday Taliska Ciidanka  Xabsiyada oo si wada jir ah Shir jaraa’id u qabtay.

Wasiir Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa intaas ku daray in Xabsiyo gaar ah loo diyaarin doono Rabsho-wadeyaasha si dhaqan-celin loogu sameeyo, laakiinse muusan caddeynin sida ay isu qabanayaan diyaarinta xabsiyada iyo howl-galada ka bilaabmaya Arbacada caawa dadka lagu soo qabtaa “Xabsiyo gaar ah oo aanu ku xidhno ayaanu u diyaarinaynaa iyaga iyo waalidkoodba si marka maxkamadduhu u xukumaan loo geeyo.

Xabsiyada ayaa noqon doono kuwo ka fog-fog laga samayn doono hayjad ama meel aanay cid iyo ciirsi toona ka helayn kuwa lagu xukumo falalka amni daradu” ayuu sii raaciyey Waran-cadde

DAAWO VIDEO

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here