Hargeysa, (Hubaal)-Guddiga doorashada Somaliland, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay xilliga ay dhacayso doorashada Madaxweynaha Somaliland.
Guddiga ayaa sheegay in doorashada la qabanayo Jun 2016, taas oo ay ka hadhsan tahay muddo 13 bilood ah.
Doorashada ayaa lagu waday in ay dhacdo sannadkan 2015 Jun, markaas oo xilku ka dhamaanayo Madaxweynaha hadda xilka haya Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).
Guddiga doorashada ee Somaliland ayaa hore u shaaciyay xiliga ay bilaabayaan diiwaangelinta, taas oo ka bilaabanaysa bisha July 2015, waxaana ay qaadanaysaa muddo sagaal bilood ah.
Mucaaradka Somaliland ayaa si wayn u diidan muddada dheeraadka ah ee doorashada dib loo dhigay in xukuumadda Siilaanyo ay xafiiska fadhido, waxayna ku baaqeen in wadatashi la isugu yimaado, laguna dhiso dowlad ku meel gaadh ah, oo dalka gaadhsiisa xilliga doorashooyinka.
Golaha guurtida ayaa lagu wadaa inay dhawaan fadhiistaan isla markaana xilka ugu daraan madaxweyne Siilaanyo muddo sannad ah oo ku siman bisha Jun 2016.
Somaliland ayaa si wayn loogu yaqaanaa doorashooyin dib u dhaca iyo madaxweynayaal xilka loo kordhiyo, marka la eego taariikhda la soo maray.