Somaliland: Ciyaarta Kubadda Cagta Oo Qaab Ganacsi Isu Rogtay

0
58

Garoomada casriga ah oo ku sii badanaya Magaalooyinka waawayn ee Somaliland, gaar ahaan caasimada oo noqotay meeshii ugu horeeysay ee laga hirgaliyo garoomada yar yar ee la dhigo Dooga macmalka ah.

Hadaba yaa bilaabay? Goorma ayaa la bilaabay? Maxaase loogu talo galay in ay noqdaan ?

Su’aalahan iyo kuwo kale oo dhawr ahiba waa qaar u baahan in si fiican loo iftiimiyo. Aan ku horeyno cidii bilowday fikirkan ku cusub Somaliland, wuxuu ahaa ninkii ugu horeeyey ee fikirkan bilaabay Muwaadin reer Somaliland ah “ Mr Xassan Waraabe cade” waxa uu si toos ah u furay bartamihii sanadkii 2014kii, ku talo galkii Xassan uu ku bilaabay sidaan ka warhayno waxa ugu mudnaa.

 garoon rooga

  1. In uu jiilkan cusub u bilaabo wixii ay had iyo jeer ku hamoonayeen taasi oo ah in ay mar uun garoon doog ah ku ciyaaraan habeen iyo maalinba.

  1. In ay noqoto goob lagu carbiyo dhalinyarada dadoodu 18 ka yar tahay.

3.in dhalinyarada qaarkood shaqo ka helaan.

Sanadkaa in dhaafay ee 2014 wuxuu noqday sanadkii garoomada Dooga macmalka ah ee afka qalaad lagu yidhaahdo “ FUSTAL”. Hadaba intooda badan mulkiilayaasha garoomada noocan leh iyo kuwa kale ee la filayo ina la hirgaliyaba Caasimada iyo Gobolada dalka oo dhan waxay ku kala duwan yihiin ujeedooyinka ay u furanayaan. Qaarood dhalinta kubada cagta xirfadooda in ay kor ugu soo qaadaan oo ay hoos ka soo dhisaan ayay ugu talo galee iyadoo aysan ka madhnayn dhaqaale raadis oo qaab shaqo ayay u galeen, meelaha qaar waxaad arkaysaa iyadoo galinka hore tababaro lagu carbinayo la siinayo. Qaar kale waa daad raacis oo waxaad ka garan kartaa goobta uu hada yegleelayo iyo sida dag daga ah ee uu hawsha u galayo.

Maxaynu hadaba ka faa’idnay Garomada noocan ah? Waa sax in dhalinta laga mashquuliyo balwadaha iyo waxyaabaha xun xun, waana fikir aad u fiican. Waxaan odhan lahaa waa arin lala habsaamay. Waxa yaabaha ugu badan ee laga faa’iday waxa ka mid ah isdhexgalka dhalinyarada, Shaqo abuuris iyo dhalintii oo ku firikaysa in ay mar uun doogaa ku ciyaaraan habaan ama galab.

Ma is waydiisay dhalinta halka uu dhaqaalahani ka soo galo ay ku kiraysayaan saacada ay ciyaarayaan? Haa waa su’aal munaasib ah dhalintu waxay isku jiraan dhawr qaybood.

Dhalinta cuslaatay ee intooda badani shaqaysa. Shaqo gaar ah, mid ganacsi, mid Hayadeed ama mid dawladeed midkuu doono ha ka shaqeeyeen kuwaasi waxa sameyaan bishii mar ay sii qadimaan. Kirada saacadii waa $25.. Dollar.

Kuwo kale waa dhalintii iskuulka. heer jaamacadeed iyo dusiyada kale ee kala duwan, waxaan iyagu ka maqnayn Kooxaha ka jira caasimada. …. Akhriste bal iswaydiii dhaqaalahaasi halka uu ka soo galo dhalinta inta aan shaqayn……

Gabogabadii iyo gunaanadkii, kol hadii garoomada gaarka loo leeyahay ay sii badanayaa, muxuu yahay sharciga uga yaala Wasradii shaqodeeda ay ahayd, ma u samaysay liisamo, cashuur ganacsi miyay ku waajibtay. Balse ma is waydiisay doorkii Xidhiidha sida Kubada cagta iyo Wasaaraduba halka ay wax marinayaa? Waxa hadal hayaa 23 kadib in dhalitu fursad u heli doonaan in ay mar uun dhaskii iyo awaarihii ka kici jiray Garoonka wayn ee Caasimada kana raysan doonaan, loona qorsheeyay in la dhigo Dooga macmalka ah wuxuu noqon doonaa goobtii ugu horeysay ee Public ah oo ay dhawaldu maamusho ee la dhigo doog macmal ah. Iyadoo ay dhalintu ay in mudo ah maamuladii kala danbaysay ay ka sugayeen in Ciyaaraha la horumariyo.

Amiin Cabdilaahi Xaashi

Hargeisa,

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here