Somalia Waxay Ogaatay Faham La’aanta Somaliland Ee Wada Hadalka: Faallo Dr Abdishakur Ali Mohammed

0
30

Waxa beryhan ama dhawaanahan socdey wadahadalkii siyaasiga ahaa ee udhexeeyay somaliland iyo Somalia wadahadalkaas oo salka ku haya sidii xal loogu heli lahaa muran  siyaasadeedka diplomaasiyadeed  ee dhex yaala Somalia iyo somaliland salkana ku haya in dal midaysan la noqdo iyo in lakala noqdo .

Dr AbdishakuurWaxa xusid mudan marka la eegayo siyaasada gudaha in dawlada Somalia aanay saamayn ku lahayn dawlada Somaliland caalamkuna ogyahay in la yahay laba dawladood oo kala madax banan balse ay caqabadu tahay marka laga hadlayo xidhiidhka caalamiga ah in somaliland besha caalamku aanay u aqoonsan dawlad madaxbanaan lana wadaajiyo  magaca guud ee Somalia .

Somaliland waa dal tashaday oo dadkeedu  isla garteen inay  ka badbaadaan qaska somalia dhistaan nidaam iyo kala danbayn ka mid noqdaan beesha caalamka isla markaana ka qayb qaaataan  dedaalada lagu xasiliniyo Somalia iyo mandaqadaba .

Hadaba wada hadalka somaliland iyo Somalia wuxuu marka kowaad dan u yahay Somaliland si,ay uga midho dhaliso ujeedooyinkeeda fog iyo kuwa dhawba  , waxaana dan la,aan u arka cid kasta oo metelaysa Somalia oo ay ka go,an tahay in nin tashaday ugarbo duubnaado nin tashan garanwaayay .

Wada hadalka u dhexeeya labada dhinac waxa la bilaabay labaatan saneeyo ka dib markii Somaliland ku dhawaaqdey in ay  dib uga noqotay Somalia ,waa fursad ay sugaysay Somaliland labaatankaa sano si ay jiho ugu samayso siyaasadeeda arimaha dibada .

Waxa jira qawaaniin caalamiya oo qeexaya shuruudo lagu xidho kala noqoshada laba dal oo isku biirey taas oo ah heshiis qoraal ah , ama is horfadhiisi  laba  dhinac ah si laysugu qanciyo, hadii arintu murugto waxa la qaadaa cod cida wax diidan .

Hadaba dadka Somaliland waxay hore u fahmi waayeen markii laysku biirayay in la is qaban karo mana ay samaysan heshiis qoraal ah oo xadaynaya kala noqoshada labada dal hadii lays  afgaranwaayo .fahan la,aantii ku dhacdey awoowyaasheen waa ta adkaysay xalka manta .

Hadii ay taasi ahayd mid fahan la,aan ku seegtay dadka Somaliland manta waxa la marayaa tii ahayd in la is hor fadhiisto oo laysku qanciyo arin xalkeeda mar hore fahan la,aan iyo degdeg lagu dayacay waxana muuqata in aanay jirin khibrad inooga korodhay khaladkeenii hore

Taas waxan uga jeeda waxaynu arki karnaa in waftiga Somaliland metelaya  ay u muuqato in aanu cadayn ajendahoodu ama aanay fahansanayn,

1.maxaa loo wada hadlayaa

2.Yaa lala hadlayaa

3.Maxaa laga wada hadlayaa

4.Yey dantu ugu jirtaa wada hadalka

Waa afarta su,aalood ee u baahan fahanka

1.Sababta loo wada hadlayaa waa in siyaasada Somalia iyo Somaliland kala cadaato ee maaha in miiska lagu murmo .

  1. Cida lala hadlayaa maaha shakhsiyaad ee waa SOMALIA Cida ay usoo xusho inay metesho doorashadeedu waxay u taalaa dawlada Somalia , mana aha in lagu mashquulo shakhsiyaadka cid metelaya  haybtooda

3.waxa laga wada hadlayaa waa  mustaqbalka siyaasadeed oo soo socda  ee maaha garnaqsi wax tagey oo aynu hore uga fal celinay

4.Danta kowaad waxay ugu jirtaa wadahadalka Somaliland si ay himiladeeda uga dhabayso .

Hadii aan u soo noqdo ciwaankayga ah Somalia waxay fahan tahay in aanay Somaliland fahansanyn wada hadalka waxan uga jeedaa , Somalia iyada mar walba waxa ka go,an inay majara habaabiso agendaha wada hadalka waxaanay ka shaqaynaysaa sidii ay u lumin lahayd afartan qodob hadii ay arkaan in Somaliland aanay fahansanayn  taaso ka cad habka ay u socdaan wadahadaladu imika .

Waxa maalin kasta laga doodaa eray sidan uqora iyo ka bedela taas oo ah qodobka kowaad in siyaasadii ay ahayd in lalaka cadeeyo lagu soo gunaanado muran miiska ah .

In khilaafka ugu badan laga galo waad na layseen iyo Somali oo dhan baa la laayay si loo daboolo siyaasada mustaqbalka ama garnaqsi wax tagey lagu qariyo ta mustaqbalka .

In laysku qabsado shakhsiyaadka wada hadlaya si loo daboolo cida wada hadlaysa oo ah laba dawladood

In lagaranwaayo cida dantu ugu jirto wada hadalka, oo kuwa dan la,aanta u arkaa ay keenan wax ay caqabad u arkaan kuwa dantu ugu jirtaa si ay uga cadhoodaan xalka danahooda oo ah in ay dal gooniya noqdaan oo ka imanaysa in laysku qanciyo wada hadalka ka dibna ay ka kacaan .

Siyaasada noocan ahi waa mid ay isticmaalayso dawlada Somalia iyagoo ka faa,idaysanaya  fahan la,aanta haysta Somaliland oo ka timi siyaasad ay ka maqantahay maxaynu yeelnaa,maxaa inoo dan ah ,maxaa sax ah , iyo maxaa kadanbeeya .

Hadii ay Somaliland fahansatahay agendaha wada hadalka waxa meesha ka bixi lahaa caqabadaha  yaryar ee loo hor dhigey inay ka  luminyaan  dulucda wada hadalka waxana loo dhaadhici lahaa gunta wadahadalka oo ay Somalia ogtahay in lagaga gar leeyahay .

Gunta wada hadalku waa in Somaliland ka tashatay qaska Somalia, xasuuqa maalinkasta laga wada hadlaa waa wixii keenay inay Somaliland ka tashato Somalia fal celin teeduna ahayd inay xoraysatay dhulkeeda, manta ta ina hortaal waa in taladii sharci loo sameeyo sidaas ayaana aad ku fahmaysaa in agendihii ku leexday in lagu murmuo wixii talada keenay .

Ugu danbayntii waxan madaxda qaranka ,asxaabta mucaarridka ah, bulshada rayidka ah, aqoonyahanka , waxgaradka,iyo dhalinyradba aan u soo jeedinayaa in arintan talo qaran laga yeesho  si looga tashado waxa qarankan uga yaala masiirkiisa siyaasadeed ee arimaha dibada iyadoo la ixtiraamayo dawladii loo doortey daadihinta arimaha qaranka hadana way banaantahay in talo qaran la yeesho……

Faallo: Dr Abdishakur Ali Mohammed

Hargeysa/Somaliland

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here