SLNTV Oo Xalay Soo Gebo-gabeeyey Tartanka Bandhig-Hibeedka+ Marwada Madaxweynaha Oo Abaal-marin Ku Maamuustay Xubnihii Kaalmaha Hore Galay

0
51

 

Hargeysa (Hubaal)-Barnaamijkii Bandhig Hibeedka  Somaliland ee Tv-ga Qaranka mudada bilaha ah ka socday, ayaa xalay lagu soo gebo gebeeyey magaaladda Hargeysa, taasi oo Marwo Aamina Maxamed Sheekh Waris (Aamina Weris) iyo Wasiirka Warfaafinta Wacyigelinta  iyo Dhaqanka ee Somalilamaxresdefaultnd Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ay Xubnihii ku guuleystay kuna soo baxay tartan Hibeedkaasi guddoonsiiyeen Abaalmarino iyo Qadar lacageed oo ay ku guuleysteen Xubnahaasi tartamayaasha ahaa.

Munaasibadda lagu soo gunaanadday Barnaamijkii Bandhig Hibeedka  Somaliland ee Tv-ga Qaranka ka socday oo xalay lagu qabtay Huteel Green Balance ee magaaladda Hargeysa , ayaa waxa ka soo qeybgalay Xafladda Marwo Aamina Maxamed Sheekh Waris (Aamina Weris),Wasiirka Warfaafinta Waci-gelinta iyo Dhaqanka, Wasiir ku xigeenka wasaaraddaasi,Maareeyaha Tv-ga qaranka,Guddidii barnaamijkaasi intii uu socday Xeerbeegtiga ka aheyd iyo Madax iyo marti sharaf kale oo Xafladda baalmarinta kooxahaasi lagu gudoonsiiyey ka soo qeyb galay iyo xubnihii ugu sareeyey guuleystayaasha tartanka Bandhig Hibeedka ka qeybglay.

Shanta Xubnood ee ugu sareeyey isla markaana Kaalmaha ugu sareeya ka galay Barnaamijkii Bandhig Hibeedka  Somaliland ee Tv-ga Qaranka ka socday ee xalay Marwo Aamina Maxamed Sheekh Waris (Aamina Weris) mid midka u gudoonsiisay Abaalmarinaha ay ku guuleysteen waxaana xubnahaasi ay  kala ahaayeen.

  1. Axmed Maxamed Axmed oo Fanaanimo ku guuleystay
  2. Faysal Iid Maxamed oo isna qeybta Fanaanimada ku guuleystay Abaalmarino
  3. Sadaam Maxamuud Cali waxa uu ku guuleystay Hadyado dhawr ah oo ay ka mid ahaayeen Mobile-ka loo yaqaan Smart-Phone-ka iyo Saddex Milyan oo Somaliland Shillings.
  4. Cabdiqani Maxamuud Cabdilaahi oo ku guuleystay dhinaca Majaajilada waxa la gudoonsiiyey abaalmarino kala duwan oo Labtop iyo Saddex Milyan oo Lacagta Somaliland Shillings ah

 1.Fawaal Cabdirashiid Waxay gashay kaalinta 1aad ee Bandhig hibeedka Somaliland  gaar ahaan    Heesaha iyada ku guuleysatay Hadyado qaali ah oo kala duwan iyo Shan Milyan oo lacagta Somaliland Shilligs ah

Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Wacyigelinta  iyo Dhaqanka ee Somaliland Shukri Xariis Ismaaciil iyadu ugu horeyn halkaasi ka hadashay ayaa faahfaahisay u jeedada iyo muhiimada uu barnaamijkaasi Bandhig Hibeedka Muwaadiniinta ee Somaliland u leeyahay, waxaanay uga mahadcelisay cid kasta oo barnaamijkaasi ka qeybqaadatay hirgelintiisa gaar ahaan dadkii ka qeyb qaata oo ay ugu horeysay xubnihii guddida qiimeynta ee barnaamijka bandhig Hibeedka iyagu mudadii uu socday ka garsoorka ahaa iyada oo sido kale dhalinyarta Somaliland ka codsatay inay hal abuurnimo iyo hibooyinkooda ALLE Sumxaanuhu wata caala ku galaday ay ka faa’iideeyaan oo aanay dalka ka tahriibin.

Maareeyaha Tv-ga Qaranka Somaliland Khadar Cali Gaas oo isna madasha Abaalmarinta lagu guddoonsiiyey Xubnahii lagu gudoonsiiyey dadkii ku guuleystay Bandhig Hibeedka halkaasi ka hadlay waxa uu si weyn u amaanay dadkii ku guuleystay isaga oo sido kalena guddida hawshaasi gacanta ku haysay ee Qiimeynta barnaamijkaasi iyo Madaxda Wasaaradda warfaafinta uu ka mid yahay oo Wasiirku ugu horeeyo halkaasi uga mahad naqay isaga oo tilmaamay in barnaamijkaasi in uu si fiican ugu soo dhamaaday uu ku farax san yahay.

Wasiirka Warfaafinta Wacyigelinta  iyo Dhaqanka ee Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo isaguna marwadda 1aad intii aanu hadalka ku soo dhaweynin halkaasi hadal ka jeediyey waxa uu yidhi  “Barnaamijkan Bandhig Hibeedka Somaliland waatii laga sheekeeyey in badan, waxaanse doonaayo in aan idiinka sheekeeyo Barnaamijkan iyo kuwa tirade badan ee imika Tv-ga qaranka iyo Idaacadda Radia Hargeysa ka baxa   ee ka baxa warbaahinta kale ee ay dawladdu leedahay waxaanay dhamaan ka mid yihiin Xilka iyo Waajibaadka saaran Wasaaradda Warfaafinta iyo dhaqanka waxaanu aamin sanahay Barnaamijkan Bandhig Hibeedka Somaliland iyo Barnaamijyo kale oo tiro badan oo ay u baahan tahay umaddu oo ay u bahan tahay dhalinyaradu oo uu u baahan yahay waxaanu u aragnaa in waajibkaasi aanu in badana guddanay in badana ay noo hadhsan tahay. Wasaaradda waxaanu imika ku soo ururinay dadkii waa weyna ee khibrada lahaa oo Yoonis Cali Nuur waa ka mid, Mitir Qaadi iyo Siciid Aadan Cige, Maxamed Waji, Faysal Fadh Fadhle, Cabdilaahi Wayab intuba waa ka mid

Marwo Aamina Maxamed Sheekh Waris (Aamina Weris) oo gebo gebadii Munaasibadda lagu Abaalmarinaayey xubnihii ugu sareeyey ee ku guuleystay bandhig hibeedka Somaliland mid midna u gudoonsiisay abaalmarino iyo Lacag ay ku guuleysteen waxay tidhi marwaddu “Caawa dooni maayo in aan halkan hadal badan ka idhaahdo ee waxaan doonayaa in aan horta halkan Wasaaradda warfaafinta iyo wasiirkeeda halkan Hambalyo uga diro oo aan hambalyeeyo dhalinyaradda reer Somaliland ee waxan oo Hibo ah iyo waxan oo tartan ah soo bandhigtay , anigu xaqiiqatan barnaamijkan bandhig Hibeedka aad iyo aad ayaan u xiisayn jiray oo u daawan jiray oo inta badan waan daawan jiray oo in kasta oo uu goor dambe soo geli jiray Barnaamijku waan u soo jeedi jiray , Ishaalaahu bidmilaahi kariim marka uu dib u bilaabmado hore ayaa loo soo dhigi doona , aad iyo aad wax loogu farxo weeyaan in dhalinyaradeena reer Somaliland inay waxaasi oo Hibo ah oo ilaahay siiyey, in dhalinyaradda la mashquuliyo oo wax wanaagsan lagu mashquuliyo waa waxa weeyaan wax aad u fiican, barnaamijkani wuu hirgalay oo wuu guuleystay oo runtii aad ayuu u guuleystay oo umadda reer Somaliland gudo iyo dibadba runtii way u riyaaqeen , waxaan wasaaradda Warfaafinta ka codsanayaa inay mustaqbalka ku soo darto Barnaamijka waxyaabo badan oo noocan oo kale oo xiiso geliya dadka waxaanan Hambalyo gaar ah u dirayaa dadkii soo bandhigay Hibadooda”

Waxa Iyana halkaasi lagu guddoonsiiyey abaalmarino qaarka mid ah kooxiii u tartamay Hidaha iyo dhaqanka, Gabayadda iyo Hibooyinka gaarka ah la yimid ee soo bandhigay Hibooyinkooda gaar ka ah ayaa iyagana halkaasi Abaalmarino ay ku farxeen madasha lagu soo gunaanaday bandhig hibeedkii Tv-ga qaranka halkaasi lagu gudoonsiiyey iyagana.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here