Hargeysa(Hubaal)-Masuuliyiinta Xisbiga Waddani ee Gobolka Maroodi-jeex, xubno kamida hogaanka heer qaran ee Xisbigaas iyo Dadweyne tiro badan ayaa Maanta Madaarka Diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa ku soo dhaweeyay Siyaasi /Muj. Caydaruus Maxamuud Yuusuf oo kamida Siyaasiyiinta Xisbiga Waddani ee Qurbo-jooga ah.
Siyaasi Caydaruus oo ka soo kicitimay Dalka Maraykanka ayaa waxa Madaarka ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee Xisbiga Waddani Siciid Bustaale iyo xubnaha kale ee Hogaanka Xisbiga ee Gobolka Maroodi-jeex, sidoo kale waxa soo dhaweeyay xubno kamida hogaanka Ururka Dhalinyarada ee Curad iyo dadweyne kale.
Caydaruus Maxamuud Yuusuf oo geesta kalena ah Gudoomiyaha Qurbo-jooga Beesha Tol-jecle, ayaa soo dhaweynta kaddib Warbaahinta kula hadlay qolka Nasashada ee Madaarka, waxaanu sheegay inuu si mug leh uga qayb qaadan doono howlaha Xisbiga mudadad uu dalka joogo. waxa kale oo uu mahad naq balaadhan u jeediyay Siyaasiyiinta, Taageerayaasha iyo dadkii kale ee soo dhaweeyay, isagoo xusay in aad ugu faraxsanyahay inuu dalkiisa yimaado, kana qayb qaato Siyaasada Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani.
“Qurbaha markaanu joogno Mucaarid iyo Muxaafidba waxaanu u dagaalanaa qaranka Somaliland, laakiinse dalka marka la yimaado inay dadku xisbiyada kala raacaan waa arrin wanaagsan. waanan ku faraxsanahay inaan Xisbiga WADDANI ka mid nahay aniga iyo Deegaanka ka soo jeedaa, kana sii mid ahaano, kana qayb-qaadano Doorkayaga”ayuu yidhi Caydaruus.
Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee Xisbiga Waddani Siciid Bustaale, Xoghayaha Garabka Haweenka ee Xisbiga Hinda, Xoghayaha Gobolka Maroodi-jeex Mahad Xaaji Faarax iyo Afhayeenka Garabka dhalinyarada ee Heer qaran Maxamed Dhame, Xoghayaha Waxbarashada ee garabka Haweenka iyo Guddoomiyaha Ururka Curad Youth Organization, oo iyaguna halkaa ka hadlay ayaa dhamaantood Siyaasi Caydaruus ku bogaadiyay Kaalinta uu ku leeyahay horumarinta iyo halganka loogu jiro qadiayda Somaliland.
Sidoo kale waxay tilmaameen in Muj., Caydaruus door weyn kaga jiro howlaha Xisbiga Waddani ee Dalka Maraykanka iyo Qaarada Ameerika oo dhan, iyagoo tilmaamay inay qalbi furan ugu qaabilayaan Siyaasada Xisbiga ee gudaha, si uu uga qayb qaato.
Caydaruus Maxamuud Yuusuf oo ka mid ahaa Dhalinyaradii ka qayb galay Halgankii Dalka lagu xoreeyey ee SNM, balse labaatankii sannadood ee u dambeeyay ku noolaa Qurbaha ayaa dhawaan shaaca ka qaaday inuu Mudane Baarlamaan isu soo sharaxayo Doorashada Golaha Wakiilada ee la filayo sanadkan ka qabsoonto dalka.