Siyaasi Aaminaadda Qaran-nimadu Ku Yar tahay Oo Dhaliilay Qoddobada Xukuumaddu Sicir-bararka Kula Dirirayso

0
44

wasiirka hawlaha guud

Hargeysa:(Hubaal)-Wasiirkii hore ee hawlaha guud, gaadiidka iyo guryeynta Somaliland Md.Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo haatan kamid ah xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa dhaliilay qoddobadii ay xukuumaddu dhawaan kasoo saartay xal u helidda sicir-bararka iyo qiime dhaca ku yimi Shilinka Somaliland.

Cabdisiraaq Khaliif oo xilligii uu xukuumadda katirsanaa aan weligii fagaarayaasha lagu arkin isaga oo qaranimada difaacaya amaba horjoogsanay dhaliil ka timi dhinaca mucaaridka, ayaa haatan oo uu mucaaridka ku biiray xukuumadda ku cambaaraynaya in qoddobadii ay sicir-bararka kasoo saartay noqdeen qaar danyarta lagu cuno qabataynayo waxana uu yidhi, “Go’aankii dawladdu soo saartay muu xallinin dhibaatadii jirtaye waxa uu abuuray suuq madow oo dadkii danyarta ahaa cunaha lagu sii qabto.”

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu si dadban u difaacay eedaha dusha laga saaray cidda loo arkay inay sicir-bararka hoggaaminayso, waxana uu xusay in go’aamadii xukuumaddu noqdeen qaar khalkhal dhaqaale abuuray,“eedda marka la samaynayo ee cid loo samaynayo waxa ay ku fiican tahay in daraasad la sameeyo, laakiin inaan xal degdeg ah la doono weeye, dawladduna waa inaanay abuurin khalkhal dhaqaale, maalintii dhaweydba dawladdu waxa ay abuurtay khalkhal dhaqaale, kaas oo dalka u keeni karayey khalkhal amni” ayuu yidhi Cabdirisaaq Khaliif Axmed.

Cabdirisaaq Khaliif waxa uu si cad u sheegay in qiime dhaca lacagta qaranka ay xukuumaddu qayb ka tahay, waxana uu tusaale u soo qaatay bixinta qandaraasyada oo uu sheegay in lacago qalaad lagu bixiyo, waxana uu yidhi,“wax iibsiga xukuumadda oo dhammi waxa uu ku salaysan yahay dollar, qandaraasyada xukuumaddu bixisona Dollar baa lagu bixiyaa, taasina waxa ay qayb ka qaadanaysaa sicir-bararka.”

Wasiirkii hore ee Hawlaha guud, gaadiidka iyo guryeynta xukuumadda madaxweyne Siilaanyo, ayaa intii uu xukuumadda ka tirsanaa kaa aamusnaa, isla-markaana u muuqday mid aan saarnayn tareenka xukuumadda, isaga oo ka caaganaa fagaarayaasha xukuumadda lagu difaaco amaba siyaasadeeda lagu dardargeliyo.

Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa tan iyo intii xukuumadda iska casilay bilaabay dhaliilo iyo cambaarayn ka dhan xukuumaddii uu katirsanaan jirey, waxana uu ka fadalo caddaaday oo ka dhaliil soo jeedin batay raxantii wasiirrada ahaa ee saaxiibka dhaw la ahaa ex. Wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan, kuwaas oo hal maalin xukuumadda ka dareeray.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here