Qisada Markabkii Degay Ee TITANIC oo lagu masaalay Siyaasada Guud ee Xukuumadda Siilaanyo Ku Hoggaaminayso Shacabka Somaliland Ee Saaran Markabka Ictiraaf-raadinta
Bal.sawir gacmeed kan si fiican uuga bogo kadibna wax ka dheh waa markab aad u weyn oo sida dad aad u fara badan waana ilaa lix dabaq oo kala sareeya markabka waxa xaga hoose kasoo galay biyo oo buur bada hoosteeda ku taal ayuu jiidhay sida ka muuqata sawir gacmeedkan ama marka aad maskaxdaada kusoo daadejiso sawirka filimkii Titanic waxa dabaq walba ku qoran magaca beesha degen,dabaqa uugu sareeya waxa saaran beesha habar jeclo waxaana kasoo yeedhaya muyuusig Iyo heeso la qaadayo kooxda muyuusiga tumaysa heesahana qaadysa magacyadooda ninka kiintaarka tumaya isla markaana qaaday heesta la yidhaahdo dalkeena Nimcaa Fadhida waxa ku hoos qoran wasiir xirsi, waxa dhinaca bidix ka xiga wasiirka madaarka oo la gam’ay sigsigfoon waxa dhinaca kale kasoo jeeda wasiirka macdanta waxaanu la suuxay Giintaarka codka weyn waxa uugu Xalad badan sida uu isku ruxayo wasiirka ciyaaraha oo tumaya durbaanka waxa muuqda aroos la salaamayo waxa halkan fadhiya niman ka tirsan golayaasha ganacsatada iyo kuwa qandaraas yada la siiyo beesha habar jeclo waxa ka dhex muuqda guddoomiyaha golaha guurtida saleebaan gaal, cali mareexaan iyo ninka la yidhaahdo cumaani waxa kaloo meel gooniya fadhiya niman uu ka dhex muuqdo xildhibaan reyte oo u sheegaya in markaba biyo soo galeen waxaana ag taagan nin mirqaansan oo ku leh ciyaarta soo gala magaca ku hoos qorani waa baashe waxa sawirka ka muuqda ninka markabka wada oo indhaha isku haya waxaana hoosta kaga qoran Axmed siilaanyo waxa ku dhow ruux dumara oo ku leh xafladii aroosku si fiican ayey u socotaa magaca ku yaalaana waa marwo aamina weris Intaas hadaan ka gudbo dabaqa hoos ka xiga waxa degen beesha habar awal dad fara badan ayaa ogaaday In markabka wax ku dhaceen biyana soo galeen una diyaar garoobey inay ka boodaan kuwo horena waabay boodeen hase yeeshee kuwo kale ayaa rumaysan inaanay markabka waxba gaadhin biyuhuna ay yihiin kuwii uu markabku sitey waxaanay ku dhawaaqayaan jooga waxba ma jiraane waxa halkan ka muuqda wasiir samaale, wasiir maxamed biixi wasiir samsam, wasiir abiib, wasiir cali gadheer ramaax oo ah badhisaab cali xoor xoor iyo xildhibaano ay ka mid yihiin xasan cawaale iyo aadan san qoole waxaanay dhamaan tood leeyihiin dadku miyuu wareeray maxaa ku dhacay yaa beenta u sheegey waar dabaqa sare ina geeya wasiir samaale ayaa yidhi “odeygii markabka wedey ayaa ii yeedhay oo igu yidhi anigu waan yara xanuun sanayaaye nin markabka ka xayn garanaya ii keena markaa maxamed biixi ayaa weligiiba maraakiibta wedi jirey isaga ayaana mar dhaw fuulaya oo markabka kaxaynaya”
waxaanu sidaa ku leeyahay dadkii argagaxu ku dhacay oo kolba gees u cararaya hadal kana aan maqlaynba halkana waxa taagen ganac sade maxamed aw siciid iyo cali gobanimo oo muuse biixi ku leh odeygi wuxuu nagu yidhi waan daalaye u yeedha muuse markabka ha kaxeeyee waxase nasiib daro ah biyihii ayaaba xoog u soo galay markabka sida sawir gacmeedka ka muuqatana hoos ayaabu markabku u sii degeyaa saaxiibayaal inta kale idinku ku darsada oo dhamays tira.
Waa inoo markale haddii Alle inaga badbaadiyo markabkan badweynta dusheeda nagula sii degaya
Akhris ka dib fikirkaaga kaga dhiibo halakan