Sirdoonka UK oo la siiyay hadhaaga meydka Haweeneydii isku qarxisay Hotel Central ee Muqdisho

0
30

Muqdisho-(Hubaal)-Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay inay qaybo ka mida jidhka haweeneydii isku qarxisay hotel Central ay u gacan gelisay sirdoonka UK si ay baadhitaan dheeraada ugu sameeyaan iyadoo warar kala duwani ka soo baxayaan xaalada haweeneydaan iyo qaabka ay qaraxa u geysatay.

 QARAX

Madaxii haweeneydan oo kaamil ah ayaa ku dhacay hotelka kale ee Naasahablood II kaasoo ku dhegan hotelka qaraxu ka dhacay ee Central, waxaana la wareegay sirdoonka Soomaaliya, kadibna waxay u wareejiyeen saraakiil ka socota UK oo saldhigoodu yahay Safaaradda Ingiriiska ee ku dhex taalla garoonka diyaaradaha Muqdisho iyagoo baadhitaano ku sameyn doona si loo xaqiijiyo shaqsiyadeeda.

Haweeneydan ayaa ahayd qof ka timid dalka Holland oo sharcigiisa ay heysatay, waxanay hooyo u ahayd lix caruur ah oo laba-laba mataano u ahaa sida uu sheegay wasiirka amniga Soomaaliya, waxaana la xidhay dhammaan shaqaalihii kale iyo maamulkii hotelka Central.

Waxaa  Muqdisho soo gaadhay Safiirka Holland u qaabilsan Soomaaliya Joost Reintjes iyo saraakiil la socota oo la sheegay inay iyaguna doonayaan ku lug lahaanshaha baadhitaanka haweeneyda isku qarxisay hotelka Central, waxayna sida la sheegay dalbadeen inay ka qeyb qaataan baadhitaanka kiiska iyo macluumaadka haweeneyda is qarxisay.

Qaraxyadii mataanaha ahaa ee 20-kii Bishan ka dhacay Muqdisho ayaa ahaa kuwii ugu khasaaraha badnaa in muddo ah oo sida qorsheeyayna ay waqti dheer qaadatay iyadoo soo bannaan bixisay heerka ay gaarsiisan tahay awoodda sirdoonka iyo qarax abaabulka Alshabaab.

source:berberatoday

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here