“Ma Badbaadi doono Taliskaagu Hadii Aad Faraha la Soo Gasho Saxaafada Madaxabanaan Iyo Xoriyatal qawlka Muwaadinka( Waa Digniin)”
Siilaanyo wuxuu bishii january 2013 saxiixay oo uu wadanka ka dhaqan geliyey wax uu ugu yeedhay Xeerk Sirdoonka Somaliland,xeerkaasi oo ku lidi ah Madaxbanaanida Saxaafada xorta ah iyo xoriyatal qawlka muwaadinka.
Xeerkaasi wuxuu ka horimanayaa oo 100% lidi ku yahay Dastuurka Qaranka ee ummadu sameysatay,Distuurka qaranku wuu jideeyey Madaxbanaanida saxaafada iyo xoriyatal qawlka muwaadinka.
Maa daama ay sidaasi tahay xeerkaasi Siilaanyo sameystay ee uu ka soo minguuriyey Xeerkii NNS-ta ee Siyaad Barre ee dalkii Somaliya la isku odhan jirey u horseedey hadimada,burburka iyo baa’baa uu ilaa hadeer ku sugan yahay.
Siilaanyo ha ogaado in Saxaafada Madaxbanaani aysan aqoonsanayn Xeerkan uu sameystay,wax alaale iyo wixii ka hor imanaya Dastuurka qarankana ay xaaraan yihiin.
Xeer kasta oo ka hor imanaya qodob ka mida qodobada Dastuurka somaliland ka kooban yahay waa waxba kama jiraan waana xaaraan.
Xeer kasta oo kor imanaya Dastuurka qaranka wuxuu lidi ku noqonayaa jiritaanka qaranka iyo madaxbanaanida Jamhuuriyada Somaliland.
Siilaanyo waxaan u sheegayaa:- Ma badbaadi doono taliskaagu hadii aad Faraha la soo gasho saxaafada madaxabanaan iyo xoriyatal qawlka muwaadinka( Waa Digniin).
Qalinkii: Yuusuf Cabdillaahi Janaale
Oslo, Norway.