Shirkii Wada Hadalada Somaliland Iyo Somalia Oo Maalintii Labaad Baaqday Iyo Sababaha Keenay

0
25

Ninka Somaliland ka soo jeeda ee Xamar tagay anagu la fadhiisanmayno

Hargeysa(Hubaal)-Shirkii wada hadalada Somaliya iyo Somaliland ayaa baaqday kadib markii waftigii Somaliland ay ku adkaysteen in guddida wada hadalada Somaliya u matalaysa laga saaro sadex ka mid ah oo dhalasho ahaan ka soo eeda Somaliland. Gudida wada hadalada u qaabilsan Somaliland ayaa lagu soo warmayaa inay dhexdhexaadiyayaasha Turkiga ku wargeliyeen in aanay shirka ka soo qaybgalayn inta xubno dhalsho ahaan ka soo jeeda Somaliland ay ka mid yihiin guddida wada hadalda ee Somaliya.

wadahadalka somalia iyo somalilandWasiirka arimaha dibada Maxamed Biixi Yoonis oo laanta afka Soomaaliga ee BBC-da la hadlay ayaa isagu ku adkaystay in aanay shirku furmayn inta xubno ka soo eeda Somaliland ay ku jiraan guddida Somaliya matalaysa, waxaan hadaladiisa ka mid ahaa “Sida aad la socoto wada hadalada Somaliland iyo Somaliya mudo dheer ayay socdeen, kii ugu danbeyay ee ay kala saxeexdeen labada madaxweyne oo ay ka soo baxeen dhawr qorob oo uu ka mid ahaa arimaha masiiriga ah ee labada dal quseeya in la soo afjaro,taas oo macnaheedu yahay sidii laba dal oo jaar ah sidii aan u noqon lahayn iyo qodobo ka hadlaayay si aan horumarka iyo waxaas loo carqaladayn, shirkaas waxa ku jirtay in 26-ka 27-ka bishii hore laysku yimaado oo meelin ayuu dib u dhacay hasa yeeshee, waxaanu la xidhiidhnay Turkiga iyo Iyagaba in shirkan dhacayaa yahay mid u dhaxeeya Somaliland iyo Somaliya oo labada dal ay is horfadhiisanayaan, Somalilandna aanay marnaba ogalaanayan inay niman Somaliland u dhashay ay shirkan soo fadhiistaan, markaas waxaanu filaynaa in waxii aan ku heshiinay ee ay fulinwaayeen aanu ka wada hadalno.” Wasiirka oo hadlakiisa siiwataa waxa uu yidhi “Anagu diyaar umanihin uma ahaanmayno waayo ninka Somaliland ka soo jeeda ee Xamar tagay anagu la fadhiisanmayno, Somaliland xuduud ayay leedahay oo waa dhulkii Ingiriisku haysan jiray, waxaanu la fadhiisanaynaa dadkii dhulkii Talyaanigu gumaysan jiray ka yimi ee Somaliya la yidhaahdo kuwaas oo aanu laba dal oo kala gaar ah ahaan jiray, hadana doonayno sidii aanu u kala anbabixilahayn.” Sadex xubnood ayaa la sheegay inay ku jiraan guddida wada hadalada Somaliya u qaabilsan oo dhalsho ahaan Somaliland ka soo jeeda, kuwaas oo ay ka biyo diideen waftiga Somaliland iyada oo shirkan hore ay madaxweynayaasha Somaliland iyo Somaliya isugu waafaqeen in laga hadlo arimaha masiirga ah oo shirarkii hore laga war wareegayay.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here