Hargeisa- (Hubaal):- Shirkada Dabahshiil Qaybteed Telefoonada ee Som-tel ayaa Xayiraad Sharci Daro ah Saartay Shabakada Somalilandlive.com iyada aan Wax Dacwad ah oo Ay Maamulka Shabkada Soo Gaadhiisay aanay Jirin, Shirada Som Tel oo kamid ah Shirkadaha Is Gaadhsiinta ee Somaliland, ayaa Si aan Gabasho Lahayn Cadiyo joogto ah ugu Haysa Warbaahinta Dhanka Online -ka ah Hadii ay ku Aragto Warar iyada U Kulid ah, Shirada ayaa Hada Wiigii Labaad Xaiyaaraad Dhanka Internetkeeda ah Kuhaysa Somalilandlive.com. Sidoo kale waxa ay Madaxda Shirkadaasi isk Dhago Mareen Xidhiidh ay Maamulka Shabakad Somaiandlive.com Lasmeeyay Si looga Wada Xaajoodo Waxa Sababay Xayiraada Sharcidarada ah ee ay Saareen Somalilandlive.com
Inkasta oo aanay Sitoosa ug Cadaynin Maamulka Somtel Xayiraada ay Saareen Somailandlive.com, ulajeedadooda , waxase ay Umuuqataa in ay Dhibsadeen Warar ay ka qortay shirkaddaas oo Shabakadu U soo Gudbiso Akhristayaasheeda Waxana ay Ahayd Dhawaan Markii ay SHabakadu Baahisay Qoraal Sir ah oo Laga Helay Madaxa Shirkadaas kaas oo Lagu Basaasayay Dad Kamid ah Hormuudka Bushada Somaliland iyo Culumo awdiin ay Shirkadu Xogta Telefoonadooda Lawadaagto Haayado Sirdoon oo Shisheeye ah, Wararkaas oo ahaa Kuwo ay Warbaahinta Internet-ku Baahninaysay Mudooyin Isbuucyo ah Balse aan ahayn Wax Somalilandlive.com Ukhaas ah