Akhri Farriin Caafimaad Oo Uu Qoray Fayo-dhawre Madax Banaan Dr. Buux Ibraahin Aadan
Iyadoo masuuliyad culusi inaga saarantay dhamaanten howsha nadaafada iyo bilicda caasimada hargeisa si aynu u hirunarino bilicda iyo nadaafada caasimada Somali land hargeisa si aynu u gaadhno una higsano caasinada dalalka inala jaarka ah heerkoodaa naadafadeed iyo biliceed
Iyadoo aynu wada dareensanahay caafimaad darada qashinka uu u leeyahay caafimadka bulshada iyo ujeedoyinkeena waxqabad ee aynu ka leenahay qashin ururinta iyo waxqabadka maaraynta qashinka magaaloyinka ee shirkada u xilsaaran howshan shaqo
Iyadoo hore qashin maaraynta magaaloyinka uu hoos iman jirtey maamulada dawlada hoose oo ku wareejiyey shirkada private sectors ah si ay masuul uga yahiin fulinta howshan shaqo ee maareynta qashinka magaaloyinka sida uu dhigayo mashruuca ppp oo ay howshan kala qayb qaadanayan dadwaynaha degan magalooyinka oo ku bixinaya qashin qaadista hoyga ay ku noolyahiin qadar lacageed oo dhan 5 doolar oo bishii ah Iyadoo magaalo kasta ay ka howlgalaan shirkada private sectors oo hada shaqaynaayey mudo ku dhaw 5 sano ah
Iyadoo shirkada qaar dayaceen oo ay ku fashilmeen howshii wax qabad ee degmooyinkii ay u xilsaarnayen in qashinka uga ururiyaan si cilmiyeysan sida shirkada horsed oo qashin ay umada ka basriso iska daayo gadiid ay qashinka kaga ururiyan iibsan kari waayey gadiidki logu talo galay qashinka ee daboola iyago la dala dhacaya 8 dyne oo dug ah
Iyada dawlada hoose sida uu dhigayo heshiiska shirkadaha iyo bulshada rayidka ee magaaloyinka xaafada gobolada in ay awood shaqo maamul u leedahay dawlada hoose in ay dib u eegis dib u qiimeyn iyo ruqsadka qaadis shirkadeedba ay u xil saarantahay in ay u gudato siday tahay
Iyadoo ay waajibtahay in la dardar galiyo howsha naadafadeed ee maareynta qashinka magaakoyinka si loo gaaddho himilooyinka iyo ujeedoyinka aynu ka leenahay howshan nadaafada magaaloyimka
Fariin caafimaad
WQ: Dr Buux Ibraahin Aadan
Fayo-dhawre madax bannaan
buux2010@gmail.com