Shirkada Isgaadhsiinta Ee Somtel Oo Daah-Furtay Adeeg Cusub oo Casri Ah Oo La Magac Baxay E-DAHAB

0
44

Hargeysa (Hubaal)-Xaflad balaadhan oo lagu daah-furayey adeeg cusub oo casri ah oo ay soo kordhisay shirkada isgaadhsiinta ee Somtel.

Xaflada daah-furka adeega E-DAHAB ayaa waxa ka soo qayb galay Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Wasiiro, Xildhibaano, Siyaasiyiin, Madaxdhaqameed, Culimo aw diin, Aqoonyahano iyo marti sharaf kale.

Cabdiraxmaan Cali Cabdi Oo Ka Mid Ah Masuulyinta Shirkada Dahabshiil Group oo ugu horeyn ka hadlay xafladani ayaa waxa uu Sheegay In Adeegan Cusub ee  E-DAHAB ee shirkada isaadhsiinta ee Somtel inuu yahay mid baahi weyn loo qabey isla markaana fursado shaqo siiyey dad badan ama dhalinyaro badan oo reer Somaliland ah.

Siciid Maxamed Siciid Ducaale oo ka mid ah gudiga sare ee Shirkada Somtel ayaa isna waxa uu sheegay in shirkada Somtel ay noqotay mid horumar faro badan sameeysay tusaale ahaana adeega cusub ee lagu magacaabo 4G oo shirkada Somtel hirgalisay oo ka dhigay dalka Somaliland noqotey dalkii  afraad ee afrika  ah oo uu adeegaasi gaadho.

Siciid waxa kale oo uu qeexay ahmiyada uu bulshada u leeyahay   adeegan cusub ee E-DAHAB, “waxaan idiin sheegaya inaynu dunida kaga jirno xaga technology-ga  dalalka ugu horeeya,  inagoo ah dal faqiir ah adeega 4G  waxeynu nahay dalkii afraad ee afrika laga fuliyey taas oo ay shirkada Somtel fulisay”.

 e dahab edahab

Agaasimaha Guud Ee Adeega E-Dahab Ee Shirkada Somtel Fu’aad Axmed Nuux, ayaa isna ka xogwaramay marxaladihii uu soo maray aasaaska adeegan, “Adeega E-dahab waxa la bilaabay sanadkii 2014kii ilaa hadda waxa isdiwaangaliyey dad tiradoodu gaadhayso  ilaa 100,000  (boqol kun oo qof) oo ku kala nool guud ahaan gobalada dalka Somaliland, maadaama oo  adeegan laga heli karo”.

Guddoomiyaha rugta ganacsiga Somaliland iyo masuuliyiin iyo madaxdhaqameed dhamaantood ka hadlay xafladani ayaa mulkiilaha shirkadan Somtel ama Dahabshiil group iyo hawlwadeenadiisa ku amaanay dadaalka ganacsi iyo horumarka  ay ku gudo jiraan.

Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland Cabdi Dirir ayaa shirkada somtel ku hambalyeeyey adeega cusub ee ay dalka ka bilowdey waxaanu u rajeeyey inuu adeegani hirgalo “hadaanu nahay  bahdii Baanka Dhexe Ee Somaliland waxaanu aad iyo aad ugu farax sanahay in Dahabshiil Group uu maanta halkan ku soo bandhigo adeeg  fududeynaya sida lacagta  loo qaato oo ku soo kordhey adeegyada baananka somaliland  waxaan leeyahay waa adeeg aad loogu baahnaa isla markaana sahlaya sidii bulshadu  lacagta u kala qaadan laheyd, aad iyo aad baanu u soo dhaweynaynaa” ayuu yidhi Gudoomiyaha Baanka Dhexe Somaliland Cabdi Dirir Cabdi

Wasaarada Maaliyada Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ka hadlay ayaa waxa uu yidhi  “shirkada dahabshiil group  madaxdeeda iyo hawl wadeenadeeda aad baan ugu mahad  naqayaa hawlaha balaadhan ee ay dalka u hayaan  ee uu ka mid  yahay mashruucan cusub ee e-dahab oo aanu illaahay uga baryayo inuu illaahay ku guuleeyo sidii kuwii hore ee ay  hore ee ugu guuleysteen, waxaan leeyahay shaqadani waxay  wax badan ka bedeli doonta guud ahaan shaqooyinkii kala duwaana ee la xidhiidhayey maaliyada, wasaarada maaliyaduna  waxay u noqonayasaa wax weyn oo ku soo kordhay faraxdna wey  noo tahay aad iyo aadna waanu u soo dhaweyneynaa”.

Madaxweyne-ku-xigeenka somaliland  Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa ku amaanay doorka waxqabada iyo horumar ee Dahabshiil group, “Farxad weyn ayey dhamaanteen  inoo tahay  daah-furka adeega  cusub ee u soo kordhay bulshada reer Somaliland, ee ay soo kordhisay shirkadani, waxaanan leeyahay  aad iyo aad baan ugu mahad naqayaa adeegan cusub oo ahaa mid loo baahnaa runtii adeegyadani iyo horumarka balaadhan ee ay sameynayaan ganacsiga gaarka loo leeyahay waxa uu qeyb ka yahay horumarka somaliland iyo sidoo kale iibinta somaliland oo aynu rabno inaynu noqono dal ka mid noqda dalalka dunida ka jira, waxeynu nahay dal curdin ah oo hiigsanaya in qaramada caalamka ka mid  noqdaan,   taasina waxaynu ku gaadheynaa inaga oo gacmaha is qabsana shirkadan Dahabshiil group-na waa mid dalka wax weyn u qabtay  waxaanan Illaahay uga baryayaa inuu ka abaal mariyo”.

Gabagabadii Madaxweyne-Ku-Xigeenka Somaliland waxa uu  xadhiga ka jaray adeega cusub ee E-DAHAB oo ay hirgalisay Shirkada isgaadhsiinta ee Somtel.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here