Shil Laga Wada Naxay Oo Ay shalay Ku Naf Waayeen Mas’uuliyiin Wasaaradda Maalliyada iyo Warbaahinta Somaliland Magac Ku Lahaa

0
48

shilkan waxa Ku Naf Waayey Alla Ha u Naxariistee Sawir-qaade Maxamed Daa’uud Iyo Agaasime Aadam Daauud Cigaal (Weli) iyo Hal Askari

marxuumiin

Hargeysa  (Hubaal)-  Alle ha u naxariiste Agaasimihii Waaxda Qorsheynta Wasaarada Maaliyadda Somaliland Weli Daa’uud Cigal iyo Sawir-qaade Maxamed Daa’uud Yuusuf oo ka mid ahaa Shaqaalaha Telefiishanka Horn Cable TV iyo Muuse Cali Ducaale oo ahaa Ilaalada Wasiirka Maaliyada ayaa shalay galab  ku geeriyooday shil-gaadhi oo ka dhacay Waddada u dhaxaysa Hargeysa iyo Berbera. Shilkan gaadhi ayaa la sheegay inuu dhacay abaaro 6:40 Maqribnimo, kadib markii gaadhi Booyada oo u soo socotay Hargeysa iyo Gaadhigii ay saarnaayeen Saddexdan Marxuum isku dhaceen si xun,isla markaana ay isku baaba’een labadii baabuur, halkaasna ay ku naf-waayeen Alle ha u naxariistee Agaasimihii Waaxda qorshaynta Wasaaradda Maaliyadda Wali Daa’uud Cigaal, Sawir-qaade Maxamed Daauud iyo Askarigii la socday.  Shilkan naxdinta leh ayaa waxa xalay si weyn looga dareemay Caasimada Somaliland ee Hargeysa, iyada oo ay dhammaan dadka si weyn uga wada-naxeen aadna loogu duceeyey marxuumiintaasi oo geeriyooday bishii Ramadaan khayrka lahayd.   Saaka ayaa la filayaa in lagu aaso magaaladda hargeysa Marxuumiinta, Geesta kalena Madaxweynaha Somaliland ayaa dhambaal tacsi ah u diray qoysaskii iyo shacbiga Somalialnd ee ay ka baxeen saddexdan Marxuum.  bahda Wargeyska Hubaal waxa ay tacsi Tiiraanyo leh u dirayaan ehelada iyo qaraabada ay ka baxeen saddexdaas marxuum ee shilka baabuur ku dhintay,waxaana ay ilaahay uga baryayaan inuu naxariistii jano ka waraabiyo.  Bahda Hubaal waxa ay sidoo si gaar ah tacsi ugu diraysaa Maamulka iyo shaqaalaha Bahda Horn Cable Tv oo uu katirsanaa Marxuum Maxamed Daa’uud Yuusuf oo sidoo kale ahaa shakhsiyaadka quluubta saxaafadda sida weyn ugu dheeraa.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here