Murtidu waa erayo rib ah amma badhax la’. Si kale; murtidu waa mucda xusuusta qofka ku hadha ee carrabkuna soo dhufan og yahay. Inahaas iyo inta kale ee dadka iga aqoonta badani ka odhan karaan ayaa murti la’ yidhaahdaa. Inta badan murtida iyo maahmaahda la ma yaqaan ciddii curisay, waxa se la’ is la garanayaa inay tahay waaya’aragnimo dadkii hore la ga dhaxlay. Dhanka kalena; odhaahda,maahmaahda,halhayska,halkudhegga iyo maansadu ba waa ay ka la’ murti badan yihiin.
”Adduun I khatal” waa odhaah-murtiyeed la ga soo qaato sheekadii dheerayd ee la ga soo weriyey nin Aadan Galaydh la odhan jiray oo reer Hawd ahaa. Sidaas bay murti oo dhammi u madhxisaa afka. Xeeldheerideeda ayaa hadalka caadiga ah la gaga soocayaa oo murti ka dhigaysa haddii kale, akhristaha/dhageystaha ku ma ay soorteen xiisaha badan ee uu dhegta ugu sii raaraaciyo.
Ta se aan u socdaa waa sheeka-xariirada khiyaalka ah ee runta loo ekaysiiyey iyo murtida kale ee nolasha soomaalida ku taxaluqda dhan walba. Labadaa qaybood iyo sida ay maansada ugu dhex soohmeen ayeynu halkan wax ka ga odhan doonnaa. Dugaaggu waa noolaha kolka duunyada la dhaqdo la ga yimaaddo ugu dhaw bani aadanka. Waa oodwadaagta cunnadu innaga wada dhaxayso ee lidna ku ah habsami u socodka shaqadeenna.
Tixahan hoosta yaallaa waa sheeka-xariirada murtida iyo meexaanta ba leh:
-Habar dugaag baa hal dishoodey.Libaax oo kaynta ugu tunweyn baa waraabe ku amray hilbaha qaybi. Dhurwaa waxu soo jeediyey laba isleeg in loo ka la hilbaysto,waxa se kulmay dharbaaxadii bulbullaha iyo isha dhulka la ga soo dhigay. Deetana dawaco ayuu surta yar ee dhuuban soo qabtay libaaxu ku na yidhi: bal adna dayooy. Isku may dhibin ba dawaco ee waxa ay tidhi: kuye laba waaxood kolka neefka la ga dhigo waax waa ku gu adi ,waaxda kalena kolka laba falliidh loo ka la qaado falliidh waa dhankaaga.Libaax oo la dhacsan talada dayo ku tee yaa ku baray qaybta?. Dawacaduna waxa ay ugu warcelisay “ishaa Cali ka laalaadda. Si kale na waa loo sheegaa oo ah; inay habar dugaaggii ay qadisay la doodeen dawacada. Sidan dambe ayuu Xuseen-dhiqle maansada ku hidiyey.
Waxu yidhi:
Qiyaashow libaax baa dhurwaa, qaybi yidhi soore
wuxuu yidhi hilbaha jeex bal qabo, qoom dhan baan nahaye
markaasuu qabbaabaalihii, qoonsadoo dilaye.
Dharbaaxuu il kaga qaadayoo, hoor ka soo qubaye
Afqashuushle goortuu dhintuu, sii qataabsadaye
qambaruursi iyo oohin buu, qoon dunuunucaye.
Dawacuu kolkaa soo qabsaday, sida qisaaseede
iyadoo qadhqadhi buu ilkaha, qoorqabkii xoqaye
wuxuu yidhi qanjaafula xumeey, tali qaddaarkaaga.
Adeer gacalle qaar iyo dalool, qaaxo iyo feedho
qummud iyo baruuriyo leggiyo, qawdhihii kuruska
kuu wada qorsheeyeye Islow, neefka wada qaado.
Markaasuu wixii qaday qabsaday, qoobab kadafleeye
wax la yidhi qabiil ma leh dayooy, qayliyaha aare
innagoo quruun dhanna maxaa, qado inoo diiday?
Qacdii hore haddaan dayey kobtii, weerku sii qulushay
badh baa kuu qisma ah waa wuxuu, eeday qaaryare
Aniguna qudhaasaan ahoo, lay qulqulateeye.
Duqii noo qab weynaa wakaa, qooqa loo dilaye
qaddaarkii Ilaah iyo Rabbaan, quud ka sugayaaye
qudhaydaan u yaabaye miyaan, idin qasaarteeyey?
waar ma anoon qudraba haynin baa, qamash ka soo waaqsan?
… … … .. …. … … … ….
-Waraabaa beri intuu dadkii uu xoolaha baadida ah ka cuni jiray u yimid ku yidhi waar yaadhaheen magacii waraabe waan iska beddelay waanan toobad keenaye Aammin iigu yeedha.
Nin baa isagoo ujeeddadiisu tahay inuu waraabe ka shifo hilbo qalan ku yidhi ilaali. Maxaa se ka dambeeyey? Aynnu Ibraahin-gadhle u dayno:
Waxu yidhi:
Waraabaa ayaan yidhi:
“haddaad igu ogaydeen
baadida Islaamkiyo
anoo aaran geel cuna
iimaan la’aantii
Allaa iga hadeeyoo
istaaqfurulla baan idhi
Aammin baanan ka la baxay
magacii inkaarraa”.
Isagoo ujeedda leh
orgi baa nin gawracay
indhashuu u sudhay laan
waa ammaanadaadee
sii ilaali buu yidhi
ninka aammin sheegtow
isaguna awaal socoy.
Markuu tegay Islaankii
in yar uun ka maqan yahay
agagaas dhurwaagii
ambaqaad tallaabada
hadba soo ogaal durug
eeg eeg hilbaha dagan
ursay jeenyihii hore
wuxu yidhi:”Udgoonaa”!
Amarrow markii xigay
af ballaadhan ka la qaad
carrab oomman soo saar
awlallada ka leefleef
wuxu yidhi:”Allay lehe
oon xalaala baan helay”!
aad buu cantuugada
adhaxda uga buuxsaday
kol ay araracdii tahay
alam sii laf iyo jiidh
in yar neefkii ka ma tegin.
Duqa imashadiisii
eedaysanii bood
ooddiyo dhirtii jiidh
eray baa se la ga helay
ku arooray maahmaah
isagoo ordaayoo
afarqaadayuu yidhi:
“Waxaad igu ogaataan
wixii aan ahaan jiray”.
…. ….. … … ..
-[1]Libaax baa isna hal dib jirtay luqunta ka jabiyey deedna intuu ka haagay ayuu isaga huleelay.
Dhurwaa oo giddiga caawa muska ugu jiray inta libaaxu ka dhergayo ayaa lafihii feenfeentay.
Isagoon waxna cunin ayaa raacatadii hashu ku dul dishay.Sheeka xariirtanna waxa labadan meeris ku yidhi Qaasin:
Hal libaax dharqadey uu jiidhkiyo dhiiggaba ka idleeyey
haw dhuran dhurwaagii laftuu dhuuxay eersadaye..
……. …. .. .. .. ..
-Haddaynnu dhanka dugaagga ka soo noqonno oo aynnu jalleecno dadka laftirkiisa.Wax jirta murti Hadraawi maansadan ku xardhay. Islaan iyo inanteedii oo awr dhaan ah wada ayaa awrkii haamihii ku galgashay. Islaantii baa Alla Cabdulqaaddir Jaylaaniyow awrka ila qabo ku qayshanaysa. Dhawr jeer oo hore na yartu Cabdulqaaddirkaa awliyada ah way ka maqashay.Ee hooyo odagani ma muxuu innoo yahay?ayey hooyadeed warsanaysaa. Bal aynnu maansada ugu tagno iyo Hadraawi:
Waxu yidhi:
Hawraar iyo sheeko
haween la ga reebay
beraa habar guurtay
hayaan rareygeeda
Culaab iyo haamo
waxay hilif saartay
haldhaa kici waayey
hiyeeda gadh jiidka
markuu hollan waayey
ayey hindiskeeda
halaanhal ku keentay
midaan kolla haabka
markaa la gu haynin.
Waxay tidhi:”Hoogey
hayaay Cabdulqaaddir
hareer qabo awrka”.
Markuu hayinkeedu
hagaag isu taagey
ayey tidhi:”Haakah”.
Hebloo gabanteed ah
hilowna besteeda
malaa u hanweynna
karaamadan hiirta
ku soo hormanaysa
hilmaamina weedy
wadaadka hoggiisa
ka soo hangallaystay
siduu ugu hiishey
ayaa tidhi:”Hooyo
muxuu horta sheekhu
inoo yahay haybta”.
Waxay tidhi:”Heedhe
Hibooy ratigeennu
markuu hinqan waayo
ayaan huriwaaga
haleel cuskadaaye
habeyn ma wadaagno
haddaan magaciisa
dantaydu higgaadin
ma soo hadal qaado.
….
Cabdixakiin M Maxamuud Marayare
Email: dheellitire@hotmail.com
Faahfaahin iyo tixraac
– [1] Muxaadiro uu Gaarriye Oslo ka jeediyey sannadihii ugu dambeey noloshiisa AHU ayuu ka ga hadlay dhawr murtiyood oo tani ka mid tahay.