Hyderabat (Hubaal)- Sheekh Aaden Xaaji Maxamuud Xiirey (Aaden Siiro) oo ka mid ah culimada waaweyn ee reer Somaliland, isla-markaana xaalad Caafimaad ugu maqan dalka Hindiya, ayaa xaaladdiisa caafimaad wanaagsan tahay.
Sheekh Aaden Siiro oo toddobaadkii hore Qalliin ku galay Cisbitaalka (Krishna Institute of Medical Sciences) oo ku yaalla Magaalada Hyderabat ee dalka Hindiya, ayaa ka warramay xaaladdiisa caafimaad ee uu wakhtigan ku sugan yahay, waxaanu sheegay inuu ILAAHAY (SW) uga Mahad-celinayo guushii laga gaadhay Qallinkii lagu sameeyay.
Sheekha oo si wada jir ah loo qalay Inantiisa Asma Sheekh Aaden Siiro oo u saartay mid ka mid ah Kalyaheeda, ayaa xusay in qallinkii lagu sameeyay uu si ka soo kabanayo, wakhtigana uu ku sugan yahay xaalad caafimaad oo Taam ah.
Sheekh Aaden Xaaji Maxamuud Xiirey (Aaden Siiro) oo xalay khadka Telefoonka nagula soo xidhiidhay isagoo ku sugan Magaalada Hyderabat oo uu ku yaallo cisbitaalka Qalliinka ku sameeyay, ayaa u Mahad Celiyey dhammaan dadka Muslimka ah, gaar ahaan dadka reer Somaliland, waxaanu sheegay in ILAAHAY uu ka aqbalay ducadii ay maalin iyo habeenba caafimaadka ugaga dalbayeen Allaah (SW). Waxaanu dadka reer Somaliland Alle uga baryey inuu ajar iyo xasanaad ugu beddelo ducadoodii, waxaanu taa beddelkeeda uu duco hawada u soo mariyey dadka iyo dalka Somaliland, waxaanu Qaadirka ka baryey inuu barakeeyo Somaliland iyo shacabkeedaba.
Geesta kale, ILAAHAY khayr ha siiyee Asma Sheekh Aaden Siiro oo aabaheed u saartay Kalida lagu rakibay, ayaa iyaduna xaaladdeeda caafimaad wanaagsan tahay, ka dib markii ay gashay qalliinka lagaga saaray Kelida ay aabaheed u saartay