“…Xirsi Illaahay Dembigiisa Ha Ka Dhaafo, Kuwa Kale Ee Shaxda U Dejiyeyna….”
Hargeysa (Hubaal)-Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey(aadan-siiro) oo kamid ah Culimada waaweyn ee Somaliland, ayaa u duceeyey Wasiirkii hore ee Wasaaradda Madaxtooyada Md Xirsi Cali Xaaji Xasan, oo uu ku tilmaamay shakhsiyad karti iyo dedaal badani taariikhda u gashay. Sheekh Aadan Siiro, waxa uu dadkii shalay ku sugnaa Masaajidka Xaafadda Xawaadle ku yaalla ee uu Khudbadda jimcaha ugu sheekeeyey Qiso dhexmartay Isaga(aadan-siiro) iyo Ex. Wasiir Xirsi, taas oo uu ku sheegay inay ahayd arrin mudan in laga sheekeeyo, isla-markaana lagu ammaano Wasiirka Xilka Banneeyey. Qisada dhexmartay sheekha Iyo Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa ku bilaabantay sidatan,“Maanta waxan halkan uga ducaynaynaa Xirsi Cali Xaaji Xasan, maalintii aanu xirsi kullanay baan ku idhi maad intan naga samaysid, wuxuu iigu jawaabay anigu magaalada Gudaheeda ma qaabilsani, Waxan ku idhi khaanad uun baad noo baadhi doontaaye iyada uun bisinka u qabo illayn dadka cashuur baa laga qaadaaye. Been idiin sheegi maayee saddex daqiiqadood gudahood buu kaga jawaabay, maayar ku xigeenkii buu u yeedhay oo ku yidhi waddadaas degdeg u sameey, Inankaas ilaahay dambiiga ka dhaafo.” Aadan siiro oo hadalkiisa, ayaa si weyn u ammaanay tallaabadii uu Xirsi ku go’aansaday inuu Dhismaha Waddada Ceerigaabo ku dhiirrado, waxana uu yidhi,“Waddada Ceerigaabo waa 380-Km. cid ku dhiirran karaysaa ma jirto oo horto anigu kuma dhiirradeen, laakiin Xirsi cid ku wehelisay ma jirto oo maanta 180-km buu Carro-tuulkii yaalla. Inaankaas xirsi ilaahay dambigiisa ka dhaafo, Kuwa kale ee shaxda u dejiyey inay baaqigii ku kala taggaana ilaahay hasoo hanuuniyo.” Dhinaca kale waxa uu sheekhu ka Hadlay dulmi uu sheegay inuu dalka ka jirto, kaas oo dadkii wax ka qaban lahaa ay sacab ku saacidayaan, “Maanta marka Madaxtooyada lagu kala jarayo agoonta Somaliland oo dhan wax ku filan, Boqollaal gadh leh baa sacabinaya.”