Sharci La Jabiyo Oo Hadhay Ma Jiro- Aden Deeq

0
34

Qawaniintii dalku lahaa dhamaantood xukumadu waa jabisay, maalin walba wax yaabo badan OO qayrul dastuuriya ayaynu arkeyna.

11020950_10152592134881400_560324801_nMa jiro qanuun dhigaya mayor xilkii haya oo loo magacaabo jago wasaaradeed isagoon iska casilin oo aan banayn jagadii mayor nimada ee uu hayay.

Xilkaa wasiirka warshadaha loogu magaacabay mayor ka Gabiley ma aha mid sharciga waafaqsan oo waa mid jabisay “constitution” kii qaran kani lahaa waana””unconstitutional” hadii in uun la dhowraayo sharciga u yaal Somaliland.

Goolaha barlamanka iyo sharci dejinta ayaaney dhabar jab ku yahay xilkan isaga ah ee madaxweynuhu u magaacay Mayor ka Gabiley.

Baarlamanka Somaliland hadii uu arintaa ka hadli waayo xaqiiqatan waxaa bartaas ka cad in qaran kani sidaa ku dumay maadaamo aan looba hogaansamayn shuruucdiisa. Talaabadan madaxweynuhu ku magacaabay mayor jagadisii ku fadhiya uguna magacaabey jagada wasiirnimo ayaa waxaa aay muujineysaa maamul xayuubsi iyadoo sharci dejinta iyo shuruucdii dastuuriga ahayd oo awood lagu muquuriyey iyadoo shakhsi kaliya taladii dalka ugu xuubsiibatay shakhsigaas oo ah madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo”. Hanaanka dawladnimo ayaa kala qeexa masuliyada amaba waaxyaha kala duwan ee xukumada iyada oo waax waliba maamul iyo shaqo aay u qaybsantahay aay leedahay. Hadaba sharci dejintu waa waaxda qaabilsan nidaamka maamul wanaaga iyo qawaaaninta dalka u yaala iyadoo shaqadeedu tahay ineey ilaaliyaan sharciga iyo maamul wanaaga ku salaysan dastuurka. Shaqadoodu waa ilaalinta sharciga iyo maamul dejinta hab maamulka xukumada iyago toosinaya dhana ka saxaya dariiqa xukumadu leedahay ineey marto iyadoo la waafajinaayo dastuurka qaranka u yaala. Hadii hadaba maamul wanaagu ka baxo hanaanka iyo nidaamka toosan ee qawaaninta dastuur keenu dhigayo, waxaa lumaya hanaankii qaranimo ee ahaa nidaamkii kala dambeynta ee ku suntanaa dastuur keena ee kala qeexaayay nidaamka dawliga ee ku qotoma “democracy”.

Madaxweynuhu inuu yeesho awoodaha qaar ee hogaaminta qaranka iyo qaraar qaadashada ayaa ah qaar runtii ka gudbay intii sharcigu u asteeyay, marka la eego magacaabista mayarka Gabiley ee uu ugu magacaabay wasaarada warshadaha oo xaqiiqatan ah mid baal maraya dastuurka.

Ma laha madaxweynuhu sharciga iyo awooda uu ku magacaabi karayo mayor gobol oo haya “position” kii mayor nimo isla markaana ugu magacaabo jagada wasiirnimo sababtuna waxaay tahay sharciga ayaan u banayneyn iyadoo sharcigu yahay ka ina haga ee kala qeexa dariiqada saxda ah iyo mida qaladka ah marka loo noqdo qawaniinta iyo sharciga dastuuriga.

Wasarada warshadaha ee loo magacaabay mayor ka gobolka Gabiley waa ” constitutionally against good governance and leadership”.

ADEN ABDI DAHER (ADEN-DEEQ)

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here