Abaalmarin Gaadhaysa 100,000 oo lacagta shiinaha ah oo loo balanqaaday in la siin doono Ciddii Ka Keenta Warbixin Horseedda Qabashada Labadaas Maxbuus
Dalka Shiinaha baxsashada xabsiga aad ayay ugu yar tahay waqtiyo kala fog ayaana u dhexeeya. Sidaas darteed, kiiska laba nin oo ka baxsaday jeel la yidhaa Liaoning, ayaa isu beddelay dhacdo dalkaasi laga hadal hayo.
Warbaahinta Shiinaha ayaa qaadday tallaabo aan caadi ahayn oo ay bulshada dalkaasi kaga codsanayaan inay baadi-goobaan ragga baxsaday, waxay xataa shaaciyeen abaalmarin la siinayo ciddii ka keenta warbixin horseedda qabashada labadaas maxbuus ee baxsaday, taas oo gaadhaysa 100,000 yuan lacagta Shiinaha, una dhiganta (£11,185, $14,558).
Labada nin, oo weli la rumeysan yahay inay ku sugan yihiin woqooyi-bari Gobolka Liaoning, ayaa ku xukunnaa xabsi daa`in.
Waa wax aan caadi ahayn in maxbuus ka baxsado xabsi ku yaalla waddanka Shiinaha, sidoo kalena loogama baran inay warbaahintu tebiyaan wararka noocaas oo kale ah.
Warbaahinta Shiinaha ayaa sida caadiga ah ka fogaada baahinta dhacdooyinka soo jeedinaya dareenka bulshada, waxayna tebiyaan marka dhacdada la xalliyo ee wax laga qabto.
Waa kuwama ragga baxsaday?
Labada maxbuus ayaa kala ah Wang Lei oo 33 jir ah iyo Zhang Guilin oo 39 jir ah. Waxa markii ay baxsanayeen lagu hayey Xabsiga Saddexaad ee Lingyuan oo ku yaalla woqooyi-bari xabsiga Liaoning.
Wax yar uun baa laga yaaqaannaa Wang Lei oo dil lagu xukumay isagoo afduub lagu eedeeyey sannadkii 2017. Wararka ayaa sheegaya in xukunkiisa dib loo dhigay muddo labo sano ah, dhammaadka sannadkii horena waxa laga qafiifiyay xukunka isagoo xabsi daa`in lagu xukumay dhaqankiisa oo wanaagsanaaday dartiis.
Sidoo kale, 39-jirka Zhang Guilin, ayaa xabsi daa`in lagu xukumay iyadoo loo haysto inuu dhac geystay. Waxa 2001dii lagu xukumay toddobo sanno oo xadhig ah, laakiin waxa dib loo xidhay sannadkii 2008, sannad kaddib markii xabsiga laga sii daayay.
Sannadkii 2009kii ayaa xabsi daa`in lagu xukumay, balse waxa la sheegay in intii uu xidhnaa inuu laba jeer isku dayey inuu baxsado. Waxa lagu yaqaannaa nin rabshad badan, wuxuuna si kas ah u dhaawacay maxbuus isagoo dhaawacyo yar ka gaadhsiiyey wejiga kaddib markii dagaal dhexmaray.
Sidee ayay ugu suurtogashay inay baxsadaan?
Waxa jira warar is khilaafsan oo ku aaddan sidii ay raggaasi ugu suurtogashay inay ka baxsadaan xabsiga oo ah mid ammaankiisu aad u adag yahay.
Bogga Beijing Youth Daily ayaa baahiyay in maxaabiista ay baxsadeen iyagoo xidhan dhar isku eg oo ay ka xadeen waardiyeyaasha xabsiga, isla markaana isticmaaleen kaadhadhka xabsiga ee ilaaladaasi.
Si kastaba ha ahaatee, idaacadda dalkaasi ee China National Radio, ayaa shaaciyay in faahfaahin dhab ah aan laga heyn baxsashada raggaas, isagoo intaa ku daray in laga yaabo inay ka baxeen daaqadda jeelka.
Maaddaama labada nin xabsi daa`in ku xukunnaayeen, waxa la qiyaasayaa in ammaanka xabsiga uu aad u sarreeyay. Waxaa la sheegay in xabsiga uu sameeyo dhaqan-celin, uuna maxaabiista fursad u siiyo inay soo saaraan dhar.
Dhacdadan ayaa buuq ka abuurtay baraha bulshada ee Shiinaha, iyadoo eedeymo loo soo jeediyey maamulka xabsiga.
Dad badan ayaa la yaab ka muujiyay in ragga baxsaday aan weli la qaban, iyadoo dalku Shiinuhu leeyahay boolis heegan ah. Arrintan ayaa loo aaneyn karaa inay suurto gashay sababo la xiira Toddobaadka Dahabiga ah – oo ah toddobaad fasax ka ah Shiinaha. Xilligan waxaa badan isku socodka dadka guud ahaan dalkaas, waana suurtogal in dhacdooyinkaas oo kale ay dhacaan. Kumannaan qof oo baraha bulshada dalkaas isticmaala ayaa sheegaya in shaqaalaha xabsigu \yihiin kuwo aan waajibkooda gudan, waxayna ku eedeeyeen dayacaad. Kuwo kale ayaa u baqay ammaankooda, kaddib markii ay ogaadeen sida uu u daran yahay xukunka ragga jeelka ka baxsaday.
Maxay warbaahintu leedahay?
Warbaahinta dalka Shiinaha ayaa inta badan tebisa dhacdooyinka kaddib marka wax laga qabto. Kiisaska la xidhiidha weerarrada toorreyda la isu adeegsado, waxay keliya warbaahintu sheegtaa kaddib marka eedeysanaha la xidho.
Raadiyaha China National Radio ayaa sheegay inay u egtahay in raggaasi aanay weli ka tegin gobolka. Wargeyska Beijing Youth Daily ayaa sidoo kale beeninayey wararka sheegaya in mid ka mid ah raggaas uu khatar yahay, isagoo xusay in labadoodaba ay aqoontoodu hooseyso.
Wuxuu boggu intaas ku daray in Wang uu keliya dhammeystay waxbarshada dugsiga sare, halka Zhang aannu weligii iskuul tegin.
Ma waxaa jiray baxsasho hore uga dhacday xabsiyo kale oo aan wax ka ognahay?
Waxa jiray dhacdooyin isku mid ah oo dhacay bishii September 2014, markii saddex maxbuus ka baxsadeen xabsi ammaankiisu uu aad u sarreeyo oo ku yaalla woqooyi-bari magaalada Harbin.
Ragga baxsaday oo la kala yidhaa Gao Yulun, Wang Damin iyo Li Haiwei, ayaa baxsaday kaddib markii ay dileen waardiye, waxayna awoodeen inay xabsiga ka baxaan iyagoo xidhan dhar dirays ciidan ah oo ay xadeen.
Si la mid ah dhacdadan, wax yar un baa laga ogaa sidii ay ugu suurto gashay inay u baxsadaan iyagoon la qaban. Toddobaad kaddib ayaa raggaas dib loo soo xidhay.