Hargeysa,(Hubaal)-Hadh soo korkii shalay waxa ka dhacay isgoyska fagaarihii hore ee khayriyadda Hargeysa dhacdo soo jiidatay indhaha dadweynihii marayay inta u dhaxaysa labada isgoys ee saldhiga dhexe iyo khayriyadii hore iyo guud ahaan agagaarka la ologa ah eeriyadaa oo ah meelaha ugu mashquulka badan magaaladda.
Waxay gooraysadu cagacagaynaysay abaara 11:45 daqiiqo, markii gaadhigiisu soo gaadhay goobtaa. Qiyaastii wuxuu ekaa gaadhiga Wasiirku mid dhinaca Dumbuluq ka yimi, isla markaana uu soo maray jidka Biriijka, markii uu soo gaadhay kala leexashada jidadka ee xarunta Telesom iyo Hadhwanaag huteelna, uu u soo baydhay jidka hor mara Saldhiga dhexe, kaasoo halkaa kaga darsama jidka wayn ee wadnaha Hargeysa loo yaqaano, oo bari iyo galbeed u xidhiidhiya magaalada. Tan iyo intii wax laga bedelay nidaamka loo marayo jidadka Hargeysa, jidka wayn ee halbawlaha ah ee hor mara madaxtooyadda waxa laga dhigay hal haad, halkii uu hore uga ahaa laba haad, isla markaana waxa dhaqan gashay in jidkaa loo raaco dhinaca galbeed, halka jidka kale ee Jeelka wayn hor marana laga dhigay mid loo raaco jihada bari oo keliya.
Gaadhiga darawal kale ma wadin ee waxa gacantiisa ku watay wasiirka. Markii uu soo gaadhay isgoyska oo ay hareeraha ka kulaalayaan Saldhiga dhexe ee booliska, dahabshiil, Salaama bank iyo xarumo kale oo muhiim ahi, ayaa wasiirku u weeciyay gaadhiga dhinaca bari oo mamnuuc ah inuu u leexdo, isla markaana wuxuu joojiyay gaadhiga bariga albaanka Salaama Bank. Halkaa waxa ugu yimi nin qiyaastii marka horeba ka ag dhawaa goobtaa, isla markaana wuxuu u dhiibay warqad yar oo u muuqatay jeeg lacageed, taasoo intuu saxeexay uu dib ugu celiyay ninkii. Laabashadii horeba taraafik ku qaylinayay balse aanuu u joojin, ayaa u tegay isagoon weli dhaqaaqin, laakiin ninkii uu jeega u saxeexay uu ka laabtay. “waryaa laba askari oo kale u yeedh oo xidha ninkan khaladka u badheedhay?”, sidaa waxa yidhi sarkaalkii halkaa hawsha kaga jiray. Sidaa markuu leeyahay weli may aqoonsan cidda gaadhiga wadata. Dadkii goobta taagnaa ayaa qaarkood kor ugu dhawaaqeen iyagoo yaaban , “Alla waa Cukuse, oo miyaanuu wasiir ahayn”. Taraafigii markay arkeen ninka meesha maraya ee gaadhiga wataa inuu yahay wasiir Cukuse, intay isa salaameen ayay iska laabteen, isna iskamuu badh qaban khaladkiiye wuu ku sii socday. Baaburta jidka labadiisa dhinac maraysaa galbeed bay u wada jeedaan, kiisuna wuu khilaafsan yahay oo bari buu u jeedaa. Wuu dhaqaaqay. Hoonkaa isu yeedhay, dadkuna waxay daymadooda ku jeediyeen waxa dhacaya. Waxay la yaabanaayeen sida taraafikadu yeeshay iyo khaladka wasiirku ku socday.
Inkastoo xaalku sidaa ahaa, haddana, wasiirku uma ekayn nin dareensan oo ka xun ficilkaa, taa bedelkeeda wuxuu u muuqday nin degdegaya oo shaqo uu ka habsaamay ku rooraya. Laakiin waqtigu wuxuu ahaa duhur la dhawrayay eeddaanka salaada, balse, muuqaalka wejiga wasiirku wuxuu shabahayay sidii qof aan deganayn oo hurdo aanuu ka dhergin markaa ka soo kacay.Malaha muu maqlayn sawaxanka dad lahaa wado khaldan baad maraysaa iyo hoonka gawaadhida uu ka hor tegay.Siduu u socday ayuu gaadhigiisii ku dhacay gaadhi kale oo Landcruiser ahaa oo darawalka iyo qof kale saaraayeen, isla markaana sharci ahaan dariiqiisii haystay.
Inkastoo shilkaa gaadhigiisu gaystay, haddana, ismuu taagin oo ma eegin wixii uu geystay ee wuu sii socday, taasina sidda muuqata waxay sababtay, in darawalkii gaadhiga kale watay dego, dabadeedna ordo oo is hortaago gaadhiga wasiirka oo u leexanayay jidka baanka iyo khayriyadii hore dhexdooda mara. “waar maxaad intaad na jiidhay, haddana, isaga dhaqaaqaysaa adigoo wado khaldan maraya”, sidaa waxa yidhi ninkii wadaha ka ahaa gaadhiga kale. Wasiir Cukuse markuu arkay in ninku gaadhigiisa is hor taagay, wuxuu qabtay joojiyaha, waanuu soo degay. Waxa loo dhaqaaqay dhinicii gaadhiga kale, wuu eegay, haddana kiisii ayuu eegay, kadibna wuxuu ku tiraabay, “adeer waxba kuma gaadhin oo gaadhigaygaaba wax qaba,e iska tag”.
Dadkii aaggaas oo dhan ka dhawaa ayaa ku soo xoomay. Badi waxay ku dhawaaqayeen weedho lid ku ah dhaqanka wasiirka iyo taraafikadda. “bal wasiirkan khaladka maraya eegga. Sharcigu ma shicibkuun buu qabtaa, saw kuwaa taraafikadiiba aad arkayseen inay sii daayeen.”, “haddii wasiiradu sidan ugu dhaqmayaan suuqa dhexdiisa, u marayaan wadooyinka khaldan, xafiisyada ay joogaanna dee siday doonaan bay ka yeelaan.”, “Ma tan ninkii madaxda ahaa hadhka cad suuqa dhexdiisa waxaa ka samaynayo, ayaa isku dayasho fiican noqon karta.”. weedhahaa iyo qaar kale oo badaniba waxay ka mid ahaayeen dhawaaqyadii dadka goob jooga ahaa.