Saxaafaddii Madaxa-Bannaaneyd Sida Maanta Laga Dhigey- Qalinkii: Muj.Cali Xaraaro

0
35

Waxay In Muddo Ah Ku Hawlanaayeen Bur-Burinta Saxaafadda Madaxa-Bannaan

Baashe Cawil oo loo yaqaan Moorgan yare iyo ninka la yidhaahdo Xasan Xiis Liqe waxay mudoba ku hawlanaayeen bur-burinta saxaafada madaxa banaan, inta badana way ku guuleysteen waxa la odhan jirey saxaafadu waa golaha Afraad ee dalka, mana jirto cida ay ahayd inay ilaaliso qaranimada JSL waa saxaafada madax banaan, tiina waynu arkeynaa halka lala maray.

Mujaahid-Cali-XaraaroWaxa saxaafadii laga dhigey wax la xidhay wax Baashe Cawil iyo Xasan Xiis Liqe ay maamulaan iyo wax habeen iyo maalinba loo hanjebo, waana arin khatar teeda leh, waayo waa cidii shacbiga gaadhsiin lahayd dhibaatada iyo halisaha loo maleegayo dadka iyo dalkaba waxa la xaqiijiyey in la soo samaystay lacagta ah noodhka Shanta Kun SL.Shilin, wax fara guud kood ah ayaa laga siiyaa inta yar ee caloosha laga qabsaday, kuwaas oo loogu tala galay inay dad weynaha been ku mashquuliyaan, loona taba baray sidii guul wadayaashii Siyaad Barre.

Hadaba waxaan leeyahay waar intaanay faraha ka bixin shirkii Boorame oo kale hala qabto oo hala isku weydiiyo waxa qaldamay, hadii taasi dhici weydo dib ayaydun isku doon dooni.

Qalinkii: Mujaahid Cali xaraaro

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here