Hargeysa, (Hubaal) – Ururka Somaliland ee Suxufiyiinta iyo Qorayaasha Madaxabanaan SSJW ayaa bayaan uu shalay soo saaray Garsoorka dalka ugu baaqay inuu si degdeg ah wax uga qabto xadhig uu SSJW ku tilmaamay in xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ay caadaysatay inay kula dhaqanto muwaadiniinta iyadoon sifo sharci ah usoo marin amaba aanu jirin dambi Maxkamad horteed lagaga cadeeyey oo ay muwaadiniintaasi ku mutaysteen in xabsi loo taxaabo, iyadoo dadka qaabkaas sharci darada ah loo xidhay bishan gudaheeda ay ka mid yihiin Suxufiga Maxamed Cabdilaahi Soo-fadhiiste oo labada wasiir ku xigeen ee Xanaanada Xoolaha iyo Ganacsiga Cali Maxamed Cilmi (Cali Gadh-dheer) iyo Cali Dhagoole ay 24/9/2015 ku xidheen Berbera kadib markii ay warbaahintu soo bandhigtay Video laga duubay dadweyne ku oorinaya labadaasi wasiir ku xigeen xili ay ku sugnaayeen fagaare ku yaala badhtamaha magaalada Berbera oo lagu tukanayey salaadii Ciidul Adxaha.
Ururka SSJW waxa kale oo uu sheegay in sidoo kale sharci daro iyagana lagu xidhay labada madaxdhaqameed ee Suldaan Mawliid Sabeyse iyo Boqor Raabi oo labadoodaba ay xukuumadu ku xidhay aragti ay ka dhiibteen arimo dalka ka jira daraadood, gaar ahaan labada Mashruuc ee ay xukuumadu dabada ka riixayso ee kala ah wareejinta Haamaha Kaydka Shidaalka ee Berbera iyo Banka Qoolcaday ee koonfurta Hargeysa.
Ururka Suxufiyiinta SSJW oo xadhiga sadexdaas muwaadin ka hadlayaana waxa uu yidhi “Xadhiga Suxufiga Soo-fadhiiste iyo labada Madaxdhaqameed ee Suldaan Sabayse iyo Boqor Raabi waxa uu xadgudub ku yahay xoriyada saxaafada iyo xoriyada hadalka ee distoorku kafaalaqaaday, xukuumadana waxa waajib ku ah inay sadexdaas muwaadin xoriyadooda si degdeg ah ugu soo celiso isla markaana ka raaligaliso xuquuqdooda ay ku gaftay”.
SSJW waxa oo uu ku dooday in Garsoorka iyo Xeerdajinta dalkaba uu xil ka saaran yahay sidii qaanuuniyan loo soo afjari lahaa xadhiga sharciga ka baxsan ee ay xukuumadu caadaysatay inay kula kacdo muwaadiniinta. “Maadaama Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ka waantoobi wayday xadhiga tiiyoo aan maxkamadi xukumin ay dadka dhaliila kula soo cararayso, waxa Garsoorka iyo Xeerdajintaba ku waajiba ah inay xadgudubka noocaas ah ka qaataan talaabooyin ku munaasib ah oo xukuumada lagaga joojinayo ku dhaqankiisa”.