“Waxaan Doonayay In Aan Tuso In Meesha Dadku Wada Leeyihiin, Laakiin Waxaad Moodaa In Dad Gaar Ahi Kooto Ku Qabsadeen” – Amb. Cabdirisaaq Afqaraf
Hargeysa (Hubaal) – sarkaal ka tirsanaa waaxda hab maamuuska ee qasriga madaxtooyada Somaliland ayaa shalay ku dhawaaqay in uu iska casilay isla markaana ka tegey shaqadii uu halkaasi ka yahay kadib markii sida uu ku dooday uu arkay nidaam xumo iyo habac sanaan ka jirta maamulka madaxtooyada. Amb. Cabdirisaaq Afqaraf oo muddo saddex bilood ah ka tirsanaa saraakiisha hab maamuuska ee madaxtooyada ayaa shalay shaaciyey inuu ka tegey shaqadii uu halkaasi ka yahay isla markaana uu waraaqihii is casilaadiisa u gudbiyay masuuliyiinta ku shaqada leh. Mr. Afqaraf oo gelinkii dembe ee shalay ka hadlay is casilaadiisa ayaa u sibir saaray mid ka dhalatay sida uu ku dooday nidaam xumo iyo is kooxaysi uu kala kulmay shaqada loo magacaabay isaga oo sheegay in uu caqabado badan kala kulmay gudashada shaqadiisa.
“Waxa aan maanta [shalay] doonayaa in aan halkan ka cadeeyo in aan iska casilay xilkii aan ka hayay Waaxda Hab Maamuuska Madaxtooyadda Somaliland, waxaanay iscasilaadaydu ay timid markii aan arkay nidaam xumo ka jirta madaxtooyadda. Waxaana runtii igu adkaatay in aan halkaasi ka sii shaqeeyo, waxaana igala soo kulmay caqabada badan, waxaanan u gudbiyay warqada shaqo ka tagistay madaxtooyadda. Waxaanan jecelahay in aan talo u soo gudbiyo madaxweynaha waxaanan leeyahay madaxweynuhu waa in uu hoos u eegaa, waxaanad moodaa in ay dad gaar ahi kooto ku qabsadeen, waxaana adkaanaysa in ay dadku dhex galaan dadkan kootada ugu jirto, waxaana muddo saddex bilood ah oo aan shaqaynayay igu adkaatay in aan tuso in meesha dadku wada leeyihiin, laakiin way adkaatay” ayuu yidhi Cabdirisaaq Oo Startv u waramayay.