SAMAALE Magac Xumo Inoo Soo Jiid, Xaalna nagu Soo Du’!-W/Q: Aden Deeq

0
35

Hantidii umadan iyo qaran kani lahaa wataa wadaad kii ku maamus, karaamo iyo magac seegay tolkiina magac xumi iyo xaal dushooda sudhay.

11020950_10152592134881400_560324801_nHorta waxaa bartaa ka muuqata in aan marnaba xilkii umadu u igmatay masuuliyiinteena inaan wax xilqaan ah aan la iska saarin waajibaadkii xukumaduna bartaa ku lumisay mar hadii wasiiradii baroor diiq aay u tahay malinka xilka laga wareejiyo.

Waa ayaan dorooyinka qaran keena ragaadiyey ee iyadoon laga indho qarsan sida badheedhka loogu tagri falo cashuuraha laga qaado. Masuul walbii wasaaradu joogo si qayrul sharciya ayuu uga faro qabsadaa kuna noqdaa taajir kusoo kordhay tijaarta Somaliland, umaduna sidaas kaga raali tahay.

Xukumadu waxaay leedahay koomishanka la dagalanka musuqmaasuqa iyo maamul wanaaga, lakiin xafiis kaasi maaha mid shaqadiisa ku qayba sababtuna waxaay tahay xafiiska qudhiisa ayaa ah mid maqaar saar ah oo lagu leexsado budget ka xukumadu ugu astaysay ee miisaaniyada qaranka ugu jira. Xal amaba talo qaran oo laga yeelan karo oo lagaga tashan karo maamul xumida baahsan, ayaa ah mid aan marnaba suuroobeyn waayo umadii amaba qaranimadii arimahan iyaga ah la iskula qaadan lahaa ayaan jirin.

Reer Somaliland dan midaysa oo xumaha maamulka xukumada aay ku midooban talo wadaageeda ayaan dalkuba lahayn. Saxaafaduna doorkey lahayd waa gabtay oo laba garab ayaa qudhoodu yihiin, labadaas garab oo midiba dhinac u adeego oo sababay ineey umadani noqoto naafo. Somaliland maanta xaalada aay ku sugantahay waa mid u baahan gurmad kana sugeeysa ineey umadeedu u gurmato, nasiib daro kuwii iyagu lahaa ineey is badbaadiyaan ayaan isuba yeelanaayn oo waagii baryaba ah kuwo boqnaha is gooya uun.

Umada heerka taagan ayaaynu nahay een cidina u maqnayn ee siyaasiyiin tooduna noqdeen kuwo aan hadal kooduba u duubneeyn ee shaleey hadalkeey ku hadaaqayeen noqdo mid iyaga dib u dabra lakiin damiir xumidoodu aaney marnaba is dhowr oo ha ismaax dumin aanay farin. Kama waan toobaan ineey muxubo geeraaraan malinka xil loo igmado marka xilka laga qaadana dabci xumiyo baroor nacasnimo war saxaafadeed noogu soo gudbi. Waxaan kusoo gunaanadaya hadalkayga hajeclaysanina hantida umada waaxaan doorsoomid iyo nasakhnimo ahayn lagama dhaxlee!!!

ADEN DEEQ

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here