HALKAN KA DAAWO Waraysi Qiimo Badan Oo Madaxweynaha UCID Kaga Warramay Amuuro Biyo-kama-dhibcaan ah
“…Media-yaha waxa ay Dawladdu u Xidh-xidhaysaa waxa weeye wax bay naga sheegeen….Sababta ay Jaraa’idkii HUBAAL iyo HAATUF Ay U xidhan Yihiin waxa Weeye wax baad naga sheegteen… Xukuumaddu shalay waxa ay ka cabanaysay TV-ga & Radio-ga Nalooma Ogola”
“..Xukuumaddu shalay mucaarid bay ahayd, waxa ay ka cabanaysay TV-ga (SLNTV) Nalooma Ogola, oo Radio-ga (Radio Hargeysa) Nalooma Ogola, Weliba sidaas oo ay tahay ayaa la qadarin jiray oo maalinta ardayda jaamacadaha loo dabaal degayo Daahir Rayaale Kaahin Waxa uu isa soo ag fadhiisin jiray madaxda [Axsaabta] Qaranka, oo Madaxweyne Siilaanyo markuu Guddoomiyaha ahaa iyo Guddoomiye Faysalba wuu is ag fadhiisin jiray iyaga oo labadii nin ee la tartamayay ay ahaayeen, laakiina annaga taas immika nalooma ogola oo waxa ay jecel yihiin in iyaga sacabka loo tumo, oo xataa way naga mamnuuceen inaanu ka hadalno.”
“…Media-yaha waxa ay Dawladdu u Xidh-xidhaysaa waxa weeye wax bay naga sheegeen, hadday isku kalsoon yihiin waxa ay ahayd inay yidhaahdaan nagu soo caddeeya..Sababta ay Immika Jaraa’idkii HUBAAL iyo HAATUF Ay U xidhan Yihiin waxa Weeye wax baad naga sheegteen oo ah arrimo ku shuqul leh musuqmaasuq oo way waliba cadaymo keeneen