Xildhibaan Siciid Cartan
Hargeysa (Hubaal)-Xildhibaan Siciid Cartan oo katirsan mudanayaasha aqalka wakiillada ee gobolka saaxil kasoo jeeda, ayaa jawaab kulul siiyey siyaasi Axmed Cali (like) oo katirsan xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, kaas oo dhawaan dhaliilo qabyaalad salka ku haya u jeediyey guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi. Xildhibaan Siciid Cartan oo warbaahinta kula hadlay xarunta aqalka baarlamaanka, ayaa sheegay inaanay jirin cid guddoomiye Muuse Biixi ka sheegan karta deegaanka Saaxil oo uu taariikh mug leh ku leeyahay, isla-markaana uu codka reer Saaxil heli doono,“Muuse Biixi waa nin reer Saaxil ah, waana raggii Berbera xorreeyey cid uu marti uga yahayna ma jirto, mana aha nin loogu hanjabi karo Berbera, codkiisiina isagoo buuxa ayuu heli doonaa.” Ayuu yidhi Xildhibaan Siciid Cartan. Xildhibaan Siciid waxa uu siyaasi Like oo dhalasho ahaan kasoo jeeda gobolka Saaxil xusuusiyey godobo siyaasadeed ay shacabka reer Saaxil katirsanayaan xisbiga WADDANI iyo guddoomiyahooda, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Saaxiibkay Like imikuu yimi oo duruufaha ka jira gobolkii uu kasoo jeeday ee Saaxil ma oga, waxanse leeyahay xisbiga aad ku dhololayso ee WADDANI guddoomiyahooda Cabdiraxmaan Cirro inuu yahay ninkii reer Saaxil ku sharciyey mashruuca DPWorld ee sida nimaadka qaldan ah loogu ololaynayey.” Xildhibaanku waxa uu sheegay in xubnaha tirada yar ee gobolka Saaxil kaga jira xisbiga WADDANI aanay jirin cid kale oo gobolkaas kaga biiri doontaa, isagoo xubnahaasna ugu baaqay inay xisbigaaas iskaga baxaan,“Like-ow libaax nin ganay iyo nin galladay kala og xisbiga WADDANI-na waxa nagaga jira Siciid Cilmi Rooble iyo Like, waxana aan ku ballan qaadayaa inaanu nin saddexaad oo kale kusoo biirayn, iyaguna haddii ay ka imanayaan haka yimaadeen.” Ayuu yidhi xildhibaan Siciid Cartan. Xildhibaan Siciid Cartan, ayaa kamid ahaa mudanayaashii kasoo jeeday gobolka Saaxil ee sida weyn uga soo horjeeday heshiiskii xukuumaddu ku wareejisay marsada Berbera, waxana uu weli maanta ku hayaa sidii qaaweynayd ee xisbiga WADDANI iyo guddoomiyooduba taageerada ugu muujiyeen wareejintaas, taas oo keentay inay reer Saaxil su’aal geliyaan cod ay siiyaan xisbiga WADDANI.