Ruushka: Abaalmarin La Siiyay Xayawaan Saadaaliyey Guusha Trump

0
51

bear

Moscow:(Hubaal)-Xayawaanka loo yaqaan Bear-ka ee ku nool waddamada uu barafku ku badan yahay, ayaa waxaa uu saadaaliyey doorashada dalka Mareykanka ee dorraad lasoo gabo-gabeeyay, isagoona mahalkani uu saadaaliyay in Donald Trump uu ku guuleysanayo doorashada.

Xayawaankan oo lagu magacaabo Felix islamarkaana ah 10-jir ayaa waxaa uu ku jiraa goob xayawaanka lagu xanaaneeyo oo lagu magacaabo Royev Ruchey, kuna taalla dalkaasi Ruushka.

Waxaa hadiyad looga dhigay oo lagu casuumay qado caalami ah, isagoona la siiyay qudaar, Kalluun, hilib iyo Xab-xab loogu kor qoray sawirka Donald Trump.

Dhacdadan oo ka dhacday dalkaasi Ruushka ayaa imaneysa xilli maalinimadii dorraad  uu hambalyo usoo diray madaxweynaha Ruuskha Vladimir Putin dhiggiisa loo doortay dalka Mareykanka ee Donald Trump.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here