“Reer Buuhoodloow Colaad La Soo Raray Baa Idiin Timi Ee Hadda Iska Saara Oo Cali Khaliif Wiilashiisa Ha Ku Khamaaree Ha Inna Dhaafo”
Hargeysa 🙁Hubaal)-Wasiirka Caafimaadka Somaliland, ayaa socdaal dhoollo-tus ah ku tegay Magaalada Buuhoodle oo uu dhalasho ahaan kasoo jeedo, waxana halkaas loogu soo dhaweeyey si aan waligii loosoo dhaweynin, iyadoo shacabweyne aad u tiro badani kaga horyimaaddeen Goobo ka baxsan Gudaha Magaalada.
Wasiir Xaglo-toosiye, ayaa Boqolaal kamid ah shacabweynaha Reer Buuhoodle kala hadlay Fagaare ku yaalla Badhtamaha Magaalada, waxana dadweynihii Soo Dhaweynayey qaarkood lulayeen Astaanka Calanka Somaliland, iyadoo wasiirka Laftiisu ku jeeni qaarnaa Astanka qaranka.
Wasiir Xaglo-toosiye waxa uu maalintii shalay muujiyey inuu Taageeri weyn ka Haysto Reer Buuhoodle, waxana dadkii uu khadubadda u akhriyey si qiiro leh uu ugu jeediyey inay Dantooda gartaan oo ka baxaan Rabshadaha iyo dhibaatada ay wadaan Shakhsiyaadka aan danahooda ka talinaynini.
Saleebaan Ciise Axmed Xaglo-toosiye, waxa uu shacabka hortooda ka sheegay inay soo dhammaatay xilligii Wiilasha Reer Buuhoodle dagaalka la gelin jirey, waxana uu ugu baaqay inay Dagaal ooge Cali Khaliif Deegaankooda ka saaraan, isla-markaana horumarkooda ka fikiraan, “Anigu ma rabo wiil dambe inuu Buuhoodle ku dhinto oo Colaad dambe ka dhacdo, reer Buuhoodlow tashada, mashruuc baa la idiin soo raray oo la doonayaa inaad ka faa’iidaysataan.” Ayuu yidhi Wasiir Xaglo-toosiye.
Wasiirka oo Hadalkiisa sii wata ayaa Cali Khaliif ugu baaqay inuu nafaha Wiilasha Deegaanada uu kasoo jeedo ku khamaaro, waxana uu shacabka Reer Buuhoodle ugu baaqay inay iska saaraan Si uga Badbaadaan Fidnadiisa, waxana uu yidhi,“Cali Khaliif Meesha uu kasoo jeedo ha tago oo wiilashiisa haku khamaaro, laakiin Reer Buuhoodle Wiilashooda lagu khamaari maayo, Haatanna ku dareera oo ha ina dhaafo.”
Wasiirka oo qiiro badani ka muuqata, isla-markaana muujinaya Farxadda uu ka qaaday Soo dhaweynta loo sameeyey, ayaa lagu wadaa inuu shirar gooni gooni ah la yeelan doono shacabka Deegaankaas ku nool iyo waxgaradkoodaba, waxana sidoo kale la filayaa inuu dhagax dhigi doono mashaariic xukuumaddu halkaas ka fulisay oo Haatan dhamaaday, halka qaar kalena uu dhagax dhigi doono.
Shacabka Reer Buuhoodle, ayaa si diirran usoo dhaweeyey wasiirka, waxana ay dhegihiisa maqashiiyeen inuu soo gaadhay gobolkiisii iyo dadkiisiiba, “Wasiir kusoo dhawow Gobolkaaga gobolka adigaa leh, dadkuna waa dadkaagii” ayuu yidhi mid kamid ah Shacabka Reer Buuhoodle oo soo dhaweynta wasiirka ka Hadlay.
Booqashada Wasiir Xaglo-toosiye ee Magaalada Buuhoodle, ayaa kusoo beegmaysa xilli maalmo ka hor uu halkaas soo gaadhay Fidmo wade Cali Khaliif oo dhinaca Xamar kasoo guryo noqday, waxana Wasiirka ka go’an inuu shacabka Reer Buuhoodle maankooda ka dhaadhiciyo Horumaka ka socda Somaliland inteeda kale.