Reer Boorama Oo Ka Qayliyey Galdaloolooyin Kaadhka Codbixiyayaasha kasoo Baxay Iyo Muddo-kordhin Komishanku Diiddan Yihiiin Oo La Dalbaday

0
119

“Cirka ka keen ama dhulka ka keena oo komishanka waxanu ka doonaynaa waqti dheeraad ah, xuquuqda tijaabintaana na siinaysa…”Axmed Yaasiin Sh. Ayaanle

madaxda boorama

Boorama:(Hubaal)-Shacabka, waxgaradka, aqoonyahanka iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda gobolka Awdal oo mucaarid iyo muxaafidba isugu jira, ayaa si adag uga soo horjeestay qaadashada kaadhadhka codbixiyayaasha oo dhawaan ka bilaabantay gobolkaas, waxana ay soo bandhigeen gal-daloolooyin waaweyn ee haatan soo baxay.

Haldoorka bulshada Awdal dhinaca siyaasadda u qaabilsan oo ay kamid ahaayeen xildhibaan Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, wasiir Cabdilaahi Ibraahim Habbane, maayar Maydhane iyo weliba guddoomiye Mustafe Shiine, ayaa cabashada gobolka soo bandhigay, waxana ay komishanka doorashooyinka ka codsadeen in xalka kaliya ee lagaga bixi karo dhibaatada soo korodhay tahay in waqtiga loogu talogalay kaadh qaadashada gobolka la kordhiyo.

Ugu horrayn Maayarka degmada Boorama Md. Maxamed Xuseen Maydhane oo arrintan ka hadlay, ayaa sharraxay dhibaatada haysata cid kasta oo kaadhadhka codbixinta doonata, isaga oo gaar uga sheekeeyey dhibaato uu isagu indhihiisa ku arkay, waxana isaga oo arrimahaas  ka hadlaya uu yidhi, “Dhibaato badan baa naga soo gaadhay kaadh-qaadashadii gobolka Awdal, waxana yimi wax lama filaan ah, umadana waxanu u sheegnay in goobtii ay iska diiwaangeliyaan ay kaadhkoodii u doontaan, laakiin markii ay tageen kaadhkoodii way ka waayeen, waxana dhacday in goob kasta oo la iska diiwaangeliyey saddex meelood loo kala jabiyey, umadduna taas kumay talo gelin, aniga oo masuulkii degmada ugu sarreeyey ahna halkii aan iska diiwaangeliyey kaadhkaygii waan ka waayey, kaadhkaygii waxan ku helay kormeerkii aan samaynayey, meesha ku qoranna kamaan helin, dadkayagiina markii ay taasi ku dhacday nin waliba wuu jeexjeexay warqaddii uu sitay.”

Isaga oo guddoomiyuhu hadalkiisa sii wata waxa uu farriin u diray komishanka doorashooyinka qaranka, waxana uu tilmaamay inaan gobolkiisa loo xisaabin Karin maalmaha haatan tegay ee kaadh qaadashadu xanniban tahay, “Komishanka iyo xukuumaddaba waxanu leenahay haddaanu reer Boorama nahay shanta maalmood ee ugu horreeya yaan naloo tirinin, waxana aanu u baahanay muddo-kordhin macquul ah inta aanu dadkayagii wax u sheegayno,” ayuu yidhi Maxamed Xuseen Maydhane.

Guddoomiyaha gobolka Md. Mustafe Cabdi Ciise Shiine oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in khalkhalka galay kaadh qaadashadu uu saamayn weyn ku yeeshay gobolka, waxana uu codsaday in muddada la kordhiyo, waxana uu yidhi, “Waxa na qasbay dareen shacab oo ammaandarro keeni kara, komishankana waxanu leenahay waxa socdaa waa shaqo, shaqaduna gal-daloolooyin ma weydo, iyada oo aynaan is dhaliilayn waxa aynu u baahanahay inaynu ka fikirno xalka dhibaatada taagan, maadaama oo uu gobolkani yahay kii lagu bilaabay yahayna dhibta ka timi  saamayn siyaasadeed, mid ammaan iyo mid nabadgelyoba way yeelan kartaaye labadaas maalmood ee naga khasaaray hannaloo kordhiyo, goobaha la kala qaadayna dib halla isugu soo celiyo.”

Xildhibaan Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo isaguna dhibaatada kaadh qaadashada Boorama ka taagan ka hadlay, ayaa xusay inay komishanku ku qasban yihiin inay waqtiga u kordhiyaan gobolkaas, maadaama uu ahaa gobolkii ugu horreeyey ee ay tijaabadu ku bilaabantay, waxana uu yidhi, “Qalab cusub iyo komishan cusubba cillad baa la soconaysa, cilladu maxay u timiina meesha ma taalo’e sidee loo xalliyaa baa loo baahan yahay, Cirka ka keen ama dhulka ka keena oo komishanka waxanu ka doonaynaa waqti dheeraad ah, xuquuqda tijaabintaana na siinaysa, qof waliba si uu xuquuqdiisii distooriga ahayd si uu u helo waa inuu helaa kaadhkiisii”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here