Berbera, (Hubaal)- Cuqaal, Odayaal, dhalinyaro iyo wax garad kale oo tirabadan oo ah deegaanka Berbera ayaa shalay kulan balaadhan oo ay ku yeesheen magaaladda Berbera, kaga dhawaaqay diidmo culus oo ay kaga soo horjeedaan qorshayaasha xukuumadda ee wareejinta Dekedda iyo illaha kale ee khayraadka dabiiciga ee gobolkaa.
Kulankaa kadib duqayda iyo waxgaradka shirkaa ka qaybgalay waxay la hadleen saxaafadda, islamarkaana waxay sheegeen, in aanay reer Saaxil sii xamili karaynin inay daawadaan deegaankooda oo ay sheegeen in aan waxba laga tala gelin. Waxay ka hadleen laydh la,aanta iyo wareejintii wershada, Dekedda, Biyaha, Madaarka iyo arrimo kale oo la xidhiidha xaaladda dalku halkay haatan marayso iyo duruufaha u gaarka ah deegaanka gobolkaa.
Xildhibaan Saleebaan Cali Khayre oo ugu horayn shirkaas ka hadlay ayaa hadalkiisa ku bilaabay,”in badan oo laydin baadhanaayay waa hurudeen, alxamdu lilaah rabilcaalamiin maanta mar hadii aad isu timaadeen oo aad ku doodaysaan xaqiinii,horena waanu uga hadalay, waayo codkiina ayaanu ku joognaa hadii aanu gole degaan nahay,idinkuna dad wanaagsan baa tihiin oo waad na doorateen oo naga hadheen,waxaanay ahayd hadii aanaan waxba idiin qabanayn inaanu idiin ilaalino wixii aanu meesha ugu nimi,xukuumada iyo shacabka anagaa u dhaxayna,in badan baanu ka hadalay oo nidhi waar waa laydinku soo duulay oo xukuumada maanta jirtaa way idnku soo duushay,fogosku wuxuu ku jahaysan yahay,Magaalo kasta cid baa degan xaq bay u leeyihiin inay u tashadaan aayahooda iyo qaniimada ay ku taagan yihiinba,waxay ahayd in Gobol kasta wixii ka soo baxa Boqolkiiba afartan loo reebo wixii ka soo baxa,kaaan soo saarina la kabo oo mashaariic loo abuuro ilayn ilaahay baa ku abuuray halkaase, Bajadka wadanka lagu maamulo Boqolkiiba shan iyo sideetan waxa uu ka soo baxaa Berbera,saw kama arradana,waliba laysma waydiin waxa ay uga aradan tahay,mar hadii aad is waydiiseen Gole degaan ahaan codkiina inaanu idinku taageero xaqiina aad ku doodaysaan oo aan dibna loo lunsan weeye”.
Gudoomiye ku xigeenkaGudida Dan iyo duco Maxamed C/laahi mire oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay inay magacaabayaan Gudi loo dhan yahay oo ka hadasha waxyaabaha ay diidan yihiin oo dhan isagoo farta ku fiiqay in beryahan danbe ay maqlayeen waxyaabo aad loo diido.taasina ay sababtay in shirkan laysugu yimaado”.
Sidoo kale mid ka mid ahaa odayaasha halkaa ka hadlay ayaa yidhi,”shirkadahan dawlada ay afarta bilood u hadhsanyihiin doonaya inay lacag ku shubaan waanu u hanjabaynaa waxaanu leenahay,maalin aan maanta ahayn baa farta dhexda ka qaniinaysaan”
Xuseen Luuq oo ka mid ah aqoonyahanka halkaa ka hadlay ayaa isna dhiniciisa kutiraabay, “waxaanu leenahay shirkadaha aan jirin ee ina hebel iyo ina hebel ah,ee kanbaniga lagu sheegayo,Dawladu iyadaa ka danbaysa,mudo kordhinta ayay ka doonaysaa Berbera”. XildhibaanNuur C/Beegsi (Cawl) oo halkaas ka hadlay ayaa yidhi ”Axmed Siilaanyo dawladiisa iyo waxa ay wado dooni mayno, dadka sharci baa wax isugu daray, hadaynaan sharcigaa wada ilaashan waxba isugu keen jiri maayaan,meel walba cid baa degta, waar hadii aanaan Berbera sheegan yaa sheegan kara”
Mid ka mid ahaa odayaashii ugu da,da waynaa ee halkaa ka hadlay ayaa ku tiraabay,“Ciise Muuse wuu ka taahay Dekeda ayaanu kuleenahaydawlada ”. Rooda Axmed Yaasiin oo iyana gebegebadii halkaas ka hadashay ayaa tidhi,”waxaan leeyahay waxna reer Saaxil bay u gaar yihiin waxna somaliland bay u gaaryihiin. Wixii reer saaxil u gaara hala garto,dekada berbera somaliland baa wada leh laakiin reer saaxil ixtiraam la,aan baa u dheer,Magaaladaasi waxaa loogu soo noqnoqonayaa maaha nasteex,waxa weeye in saaxil la tirtiro oo aan dawlada siilaanyo waxba kaga tegin”.
Dhinaca kale WasiirkaQorshayntaSacad Cali Shire ayaa la sheegay inuu habeenimadii Isniinta ee Salaasadu soo galaysay uu horfadhiistay dadka reer Berbera, islamarkaana uu jawaabo ka bixiyay su,aalo badan oo ay halkaa ku waydiiyeen. Warku wuxuu intaa ku daray, in guud ahaan Wasiirku uu ka garaabaycabashooyin xoog leh oo u dhadhamayay qaar aanay war ahaan waxba ku seeganayn.Siday tibaaxeen xogo laga soo xigtay illo lagu kalsoon yahay, wasiirka qorshaynta oo lagu tilmaamo inuu yahay, nin qunyar socod ah oo caqliga magansada, tiisana ku socda, islamarkaana la sheegay in uu arrimaha qaar kaga fikir duwan yahay siday xukuumaddu u waddo, ama u maamulayso sida, dekedda, laydhka iyo meelo kale, ayaa haatan u muuqda nin ay madaxtooyadu isha ku hayso, kana xun tahay talaabooyinka uu qaaday, sida kulankaa uu ku qaabilay dadka oo xili habeenimo ah ka dhacay Berbera. Kaasoo xoguhu tibaaxeen inuu daba socday isu soo baxa shalay ee Odayaasha iyo waxgaradku afka furteen.Laakiin ma jiraan warar madaxbanaan oo sugaya xaqiiqda arrintaa oo soo baxay.
Dhinaca kale waxaywararku intaa ku dareen, in socdaalo badan oo madaxweynuhu ku tegay Berbera, aanay marna dhicin inuu wadahadal la yeesho duqayda iyo waxgaradka, waxna ka siiyo taladda u arriminta waxyaabaha ay ka cabanayaan.