Raysal Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Oo Cambaareeyey Weerarkii Garoonka Aadan Cadde Airport Ee Muqdisho,Booqdayna Goobtii Qaraxu Ka Dhacay

0
45

Muqdisho (Hubal) Raysal Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Fadaraalka  Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte , ayaa ka tacsiyeeyey dadkii ay wax yeeladu ka soo gaadhtay Qaraxii ka dhacay albaabka  hore ee Madina Gate ee Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, Waxana uu tacsi u direy ehellada dadkii ku dhintay Qaraxa, gaar ahaan Shacabka Soomaaliyeed iyo Ciidamadda AMISOM.m cumar carte

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa ku tilmaamay weerarkaas mid ka baxsan dhaqanka Islaamka isla markaana ay nabad-diidku ku doonayeen in lagu carqadaladeeyo hannaanka dawlad dhisidda Soomaaliya, waxana uu Raysal wasaare ku xigeenku tacsi u direy ehellada dadkii ku dhintay weerarka, isagoo alle uga baryay inta dhaawaca ahna in uu caafimaad deg deg ah siiyo.

“Falkaas Argagixiso ee waxashnimada ah waxaa loogu talagalay in lagu cabsi galiyo shacabka Soomaaliyeed, ee adeeg sada garoonka Aaden Cadde iyo walaalaheena Nabad ilaaliyaasha ah ee AMISOM, waxaana ka xumahay oo xanuunka an la dareemayaa intii ku dhimatay iyo intii ku dhaawacantayba”ayuu yiri Raysal Wasaare ku xigeenka mudane maxamed cumar carte.

Dhanka kale, Raysal Wasaare ku xigeenka soomaaliya Mudane maxamed cumar Carte ayaa kormeer ku tagey Garoonka diyaaradaha Muqdisho oo weerarka lala damacsanaa.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here