Tokyo (Hubaal)-Ra’isal wasaaraha Japan, Shinzo Abe, ayaa sheegay inuu ka murugaysan yahay gardarradii uu waddankiisu sameeyay dhammaadkii dagaalkii labaad ee dunida. Dalka China iyo Koonfurta Kuuriya ayaa si dhaw loogala socday khudbadda Abe, waxaanu Shiinuhu sheegay in 20 milion oo muwaadiniintiisa ahi ku dhimmatay gardarada Japan samaysay dagaalkii labaad ee dunida. Hadalkiisa uu ku xusayay sanadguuradii 70 aad ee ka soo wareegatay markii dalkiisa lagaga adkaaday dagaalka ayuu Mr. Abe ku sheegay inuu u tacsiyadeynayo dhammaan dhibanayaashii dagaalkii labaad ee dunida isagoo sheegay in Japan ay aad uga shaleysan tahay silicii ay gobalku badeen “Madaxayga ayaan aad uga foorarinayaa kuwii nafahooda ku waayay dalka iyo dibaddaba. Waxaan muujinayaa dareenkayga ah walbahaar waligii ah iyo tacsi iga daacad ah” ayuu yidhi Mr Abe. Wuxuu ballanqaaday inaanu mar dambe dagaal qaadi doonin. Wuxuu sidoo kale muujiyay inuu u dirayo wax uu ugu yeedhay tacsi qalbi ah, haweenkii sharaftoodu ku waayay dagaalka, kuwaasi oo lagula kacay gefef militarigu u gaystay. Mr. Abe ayaa sidoo kale sheegay in dhallinyarada Japan aysan aheyn inay raali gelin ka bixiyaan wixii dhacay “Dadaal kasta oo aanu samaynaa waxba kama tarayo kuwa ehelkoodii dagaalka ku waayay iyo kuwa xasuusaha xuni ka soo gaadheen dagaalka, kuwa arrimahaasi asiibeen waligood lama bogsiin karayo” ayuu yidhi mr Abe. Hadalka Ra’isal wasaaraha Japan ayaa lagu macneeyay mid muhiim ah oo astaan u noqon kara wadamada ku kala fogaaday dagaalkii labaad ee dunida, gaar ahaana kuwa Aasiya oo mashaqada Japan sababta u ahayd saamaysay.
Guriga WARAR UGU XIISAHA BADAN Raysal-wasaaraha JAPAN Oo Muujiyey Murugada Dagaalkii Labaad Ee Dunida