London:(Hubaal)-Ra’isul wasaaraha Britain Theresa May ayaa si lama-filaan aah ugu dhawaaqday doorasho guud oo cusub oo xilligeedii laga soo hormariyey oo waddankaasi ka dhacda 8-da bisha Juun ee soo socota.
May oo sharaxaad ka bixinaysa isbadalkan ka yimid maskaxdeeda ayaa sheegtay in ay fikirkeedii ku soo gunaanaday in qabashada doorashadan ay tahay habka kali ah ee lagu hanan karo hubanti iyo degenaansho”.
Ra’iisul Wasaare May ayaa la saadaalinayaa inay tallaabadan u qaadday si ay aqlabiyad tan ka ballaadhan ugu hesho go’aanka ay Britain kaga baxayso Mudowga Yurub.
Saddex toddobaad kadib markii ay bilowday hanaanka Britain ay uga baxeyso Midowga Yurub ayaa May waxa ay sheegtay in xisbiyada mucaaradka ay isku dayayaan inay hanaankaas carqaladeeyaan, islamarkaana baarlamanka iyo dalka aanay isku jiho u socon.
Baarlamaanka ayaa Arbacada cod u qaadidoona qorshaha doorashada si uu u ansixiyo, ra’iisalwasaaruhuna waxay u baahan tahay saddex meeloodoow labo ka mid ah xildhibaanada si loo qabto doorasho laga soo hormariyay wakhtigii la qorsheeyay ee ahayd 2020-ka.