Rabshado Ka Dhacay Dalka Masar Oo Dad Badani Ku Dhinteen

0
32

Sinai (Hubaal) Ugu yaraan 26 qof ayaa ku dhimatay rabshada ka dhacay gobalka Waqooyiga Sinai ee dalka Masar kadib markii kooxa mintidiin ah ay weerara soo qaadeen.

Inta badan kuwa dhintay waxa ay ka tirsanyihiin xoogagga amniga.

Bara koontorool iyo saldhigyada milatariga iyo baliiska dhowr magaalooyin ayaa lagu weeraray hoobiyayaal, rasaas iyo ugu yaraan hal gaari oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa.

Rabashadaha ugu badan waxa ay ka dhaceen magaalo madaxda gobalkaasi waqooyiga ee Al cariish.

rabshadaha masarKoox xariir la leh kuwa la magac baxay Dawaladda Islaamiga, ayaa sheegay in ay ka dambaysay weerarka.

Rabshadaha ayaa sii xoogaystay kadib markii xukunka laga tuuray madaxweyne Mursi sanaddii 2013-ka.

source:bbcsomali

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here