Marseille (Hubaal) Taageerayaasha xulka England ayaa dagaal iyo qas kale oo hor leh la galay ciidamada booliiska iyo taageerayaasha xulalka qaarkood magaalada Marseille ka hor ciyaartoodii furitaanka ee ay Russia ku wajaheen xalay Euro 2016. Weerarada iyo isku hor imaadyadan ayaa daba socday, laba habeen oo qad ka socday magaalo xeebeedka France.
Ciidamada booliiska ayaa isticmaalayay sunta dadka ka ilmaysiisa maalintii saddexaad Sabtidii, iyo biyaha awooda ku booda ee qaswadeyaasha tuura si ay ugu guuleystaan inay amaanka soo celiyaan. Muuqaalada la baahiyey ayaa muujinaya quraarado la tuurayo iyo taageerayaal dhiiga shalaqsanaya oo gargar deg deg ah loo samaynayo. Ciidamada Booliiska Faransiiskuna waxay sheegeen in taageere Ingiriis ah uu dhaawac halis ah soo gaadhay iska hor imaadyada. Af Hayeen ciidamada amaanka u hadlay wuxuu sheegay in qaska ay kiciyeen oo ilaa hadda wadaan taageerayaasha Britain, laakiin ma bixin faah-faahin intaas ka badan.
Xidhiidhka kubbada cagta qaarada Yurub ee Eufa ayaa sheegtay inay “Cambaaraynayso dhacdooyinka foosha xun ee ka dhacay Marseille”, waxaanay intaas ku dareen in “Dadka ka dambeeya qaskan iyo rabshadahani aanay meel ku lahayn kubbada cagta”.