“Raad baanu haynaa baadhisina way socotaa” GUDDAHA KA AKHRI Magaaladda Burco Gaadiid loo xidhxiday Raashin WFP ay leedahay oo la leexsaday

0
30

Burco(Hubaal) lix ka mid ah Gaadiidkii siday Raashin WFP ay leedahay oo ay ku bixiso Food For Work ayaa lagu xidhay Magaalada Burco,Gaadiidka la xidhay ayaa Raashinka u waday Tuulooyinka ay ka mid yihiin dindiinta,Waabo Gaajo oo hoos yimaada Gobolka Togdheer,waxaana la xidhay ka dib markii ay leex sadeen qaar ka mid ah raashinkii isla markaan ay geeyeen Tuulooyinka raashinkii oo kala dhiman ka dibna ay is qabsadeen haydh tuulooyinkii Magaalooyinka ay raashinka geeyeen isla marakaana ay qaylo dhaantu soo gaadhay Badhasaabka Gobolka,taasina ay keentay in Gaadiidkii lasoo qab qabto,waxaanu gaadiidku hada ku xidhanyahay Qaybta Gobolka Togdheer.

newsBadhasaabka Gobolka oo aanu wax ka waydiinay ayaa si kooban uga jawaabay waxaanu yidhi”Raad baanu haynaa Baadhisina way socotaa,Raashinkana Magaalada ayaa lagu rogay.ayuu ydhi badhasaabka togdheer.

Si kastaba ha ahaatee Waxaana la filayaa ina natiijo laga soo saaro musuqa raashinkan Gaadiidka loo xidhxidhay.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here