“Qolooyinka Muddo Kordhinta Ka Hadlana,Hadda Madaxweynihii Hore Ee Daahir Rayaale-ba Laba Jeer Baa Loo Kordhiyay Saw Maaha,Axmed Siilaanyo….”

0
33

Hargeysa(Hubaal) Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Madaxweyne Siilaano Cabdicasiis Maxamed Samaale,ayaa Khasab iyo Sandulle ku tilmaamay Muddo kordhin loo sameeyo Xukumadda,waxaanu Mucaaradka u soo jeediyay inay aqbalaan haddii muddo kordhin loo sameeyo maadaama Madaxweynihii ka horeeyay laba jeer loo kordhiyay muddo xileedka.

Wasiir Samaale oo ka jawaabaya Walaaca Mucaaradku ka qabaan doorasho dib u dhacda oo Madaxweynaha wakhtiga loo kordhiyo ayaa yidhi “Qolooyinka Muddo Kordhinta ka hadlana,hadda Madaxweynihii hore ee Daahir Rayaale laba jeer baa loo kordhiyay saw maaha,Axmed Siilaanyo Korodhsiimo dooniba maayo,waayo Kalsooni badan buu qabaa, haddii ay se timaado oo duruufta dalku keento, dee sunne soo socday bay ahayde iyadana haddiidina”

samaale2Wasiir Samaale oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaasi raaciyay “Muddo kordhintu Rabitaanka Madaxweynaha maaha,80 Cod kumuu badin ee dalkoo dhan marka la isku geeyo boqolkiiba konton buu ku soo baxay,haddii ay korodhsiimo timaado oo duruuftu keento mid isaga ka timid maaha,iyaddana Sandulle weeye in la aqbalo haddii Mudo kordhin timaado sababtoo ah hadday duruufi timaado isagu ma korodhsan” ayuu yidhi Samaale

Wasiir Samaale ma sheegin cidda yeelanaysa  eedda dib u dhac ku yimaada doorashada balse waxa uu ku dooday inaan Madaxweynaha iyo Xukumaddu toona masuul ka ahayn Muddo kordhin timaada.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here