Qoddobo Shakisan Oo Laga Soo Saaray Shir Golaha Wasiirrada Xamar Shalay KaYeesheen Mooshin Xasaannada Lagaga Qaadayo Madaxweynahooda

0
27

Fadhigii Shalay Ee Baarlamaanka Oo Mooshin Xil-ka Xayuubin Ah Loo Gudbiyay iyo Qodobadda Loo Cuskadayxasan sheekh maxamudd

Muqdisho (Hubaal)- Tiro kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Guddoonka Golaha u gudbiyey mooshin ah in xilka laga qaado Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud oo lagu soo eedeeyey Xad-gudubyo ka dhan ah   iyo Dastuurka dalka. Qoraalka Xilka ka qaadista ah oo ay Xildhibaanada soo gudbiyeen ayaa waxaa ku xusan in Madaxweynaha uu jabiyey Dastuurka Soomaaliya, isla markaana uu horseeday in caqabado ku yimaadaan nabadeyntii iyo midnimada Soomaaliya, sidoo kale Musuq maasuq baaxadleh oo lagu eedeeyey Madaxweynaha shaqsiyan, waxaana taasi usii dheer eedeynmo ah in lagu tuntay Dastuurka dalka oo uu Madaxweynaha la wareegay Awoodii, Baarlamaanka iyo Xukuumada. Eedeynta ku qoran nuqulka mooshinka ee lasoo gudbiyey ayaa waxaa kamid ah in dhammaan Raysalwasaarayaashii uu Madaxweynaha Soomaaliya soo magacaabay iyo xukuumadahooda ku fashilmeen inay fuliyaan wixii loo igmaday.

Xildhibaanada ayaa cuskaday qodobo kamid ah Dastuurka Federaalka Soomaaliya gaar ahaan qodobka XIL KA QAADISTA Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka oo u qoran sidatan;

“….Xil Ka qaadista Madaxweynaha JFS waxaa soo jeedin kara Golaha Shacabka marka lagu eedeeyo khiyaano Qaran, Xad gudub culus oo Dastuuri ah, ama ku xad-gudub sharciyada kale ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya….” Madaxweynaha ayaa lagu eedeeyey inuu sidoo kale gebi ahaan la wareegay hawlihii Xukuumada iyadoo la sheegay Xafiiska uu Madaxweynaha sameeyey ee loo yaqaan (Policy Unit) oo si toos ah farah kula jiray shaqada Xukuumada. Waxaana la sheegay in musuq mmaasuq baahsan oo lagu kacay lagu lunsaday hantidii Qaranka. Waxaa Tusaale loo soo qaatay Warqado uu Qoray Xafiiska Madaxweynaha oo uu ku weydiisanayo in lagu soo wareejiyo dhamaan Hantida Qaranka ee taala dibada, isagoo aan hawshan u marin ama kala tashan hay’adaha u xilsaaran arrimahan ee Xukuumada. Heeshiiskii Soma Oil & Gas ayaa kamid ah qodobada lagu eedeeyey inuu Madaxweynaha iyo Xafuladiisa si gaar ah ulla galeen shirkadaasi oo ay hada ku socoto baaritaan la xariira Musuq maasuqa.

Dhinaca kale  Golaha Wasiirrada dowladda Soomaaliya oo isla shalayba  ka shiray mooshinkaas  laga keenay xukuumadooda iyada oo werwer ka muujiyey  xaaladda siyaasadeed ee cusub ee uu dalka galay. Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa shirkooda shalay warsaxaafadeed ay kasoo saareen waxa ay ku sheegeen in ay dareen taban ka muujinayaan dhaqdhaqaaqa ay wadaan golaha baarlamaanka xubno ka mid ah, kuwaas oo ay ku tilmaameen inay ku lug leeyihiin dabadana ka riixayaan mooshinka laga keenay madaxweynaha. Warsaxaafadeedka golaha wasiirradu waxa  ay ku qeexeen in ay horseedi karto kala dhantaalnaan qaranka u horseedi karta  burbur. Qoddobada warsaxaafadeedku lagu sheegay inay qaranka kala dhantaalayaan waxa ay kala ahaayeen sidan:

  1. Wada jirka iyo wada shaqeynta hay’adaha Dastuuriga ah ee dalka.
  2.  Xasilloonida siyaasadeed ee ay xukuumaddu ku dhawaaqday markii la ansixiyey.
  3. Horumarkii laga sameeyey hiigsiga 2016, gaar ahaan taaba gelinta hannaanka Federaalka, dib u eegista dastuurka iyo wadiiqada wadatashiga 2016.
  4.  Howl-gallada lagu sugayo amniga iyo dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada ah.
  5. Kobaca dhaqaale ee dalka Soomaaliya.

Golaha Wasiirradu waxay hoosta ka xariiqeen in Golaha Baarlamaanka ay kala shaqeynayaan arrimaha la xidhiidha wadiiqada wadatashiga 2016,  sida shirkii HLPF ee Muqdisho lagu qabtay. Golaha Wasiirrada ayaa qoraalkooda ku sheegay inay aaminsan yihiin in muhiim ay tahay sii socoshada wadashaqaynta hay’adaha Dastuuriga ah ee arrimaha masiirka dalka, loona baahan yahay in xildhibaanada ay taas kala shaqeeyaan.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here