Qisadan waxa weriyay saxaabiga abu-hureyra [Allaha ka raali noqdee] wuxu nebiga (S.C.W) ka weriyey [Nin reer bani-isra’iil ah ayaa wuxu ubaahday amaah Kun Diinaar ah wuxu u tegey nin oo uu weydiistay, ninkii baa ku yidhi kunka diinaar waan ku amaahiniyee marqaati (Nin marqaati kaa noqda) ninkii reer bani-israa’iil wuxuu ugu jawaabay ilaahay baa marag igu filan oo na arkaya, Ninkii baa hadana kuyidhi nin damiinu-maal ah oo ku damiinta iikeen, kolkaas ayu ninkii bani-israa’iil ba ugu jawaabay ilaahay baa iga damiin ah, ninkii wuxu yidhi run baad sheegtay ee amaahdan Goormad ii keeni, Ninkii bani-israa’iil muddo ayu qabsadey, lacagtii kunka diinaar gacanta ayaa lagag ridey.
Dabadeed ninkii bani-israa’iil wuu safray badda ayuu ka talaabay oo dooni buu raacay meeshuna waa Jasiirad, danahiisa ayuu ku qabsaday lacagtii amaahda aheyd, dabadeetana mudadii bay gaadhay, badiina way kacsantahay, dooni uu kusoo safro ayuu waayay.
Wuxuu soo qaaday kunkii diinaar wuxu ku riday bac, dabadeetana wuxuu soo qaaday looxaan dhexda ayuu ka dalooliyay wuxuuna dhexdeedi geliyey lacagtii iyo warqad uu uqoray, wuxuu dulyimid badii wuxuu ku yidhi “Ilaahayoow ninkaasi wuxuu i amaahiyay anigoo ubaahan lacagtaa kunka diinaar ah, ilaahayoow damiin ayaad iga aheyd ee ilaahayoow Badda ayaan ku ridayaa ee ilaahayoow ugee”
Dabadeetana badii ayuu ku tuuray, muddo kadib ayaa ninkii wax amaahiyay Caruurtiisii ayaa xaawo (qoryo) ay dabka ku shitaan udoonay badda, dabadeetana waxay sheeda ka arkeen looxii,way lasoo bexeen, guriga ayey keeneen waxay ka dhex heleen looxii bacdii ay ku jirtey lacagtii iyo warqad uu ku lahaa “Walaal waxaad i amaahisay lacag kun diinaar ah waxaad iweydiisay marag iyo damiin waxan kugu idhi ilaahay baa marag iyo damiin ii ah, waxay gaadhay mudadii, waxan waayay dooni aan soo raaco, waxan kusoo dhex ridey lacagtii looxan ee walaal iga gudoon”.
Qisadan waxa weriyay iimaamu bukhaari waana qiso dhab ah.
Wabbilaahi Towfiiq.
Turjumaa: Ustaad Asad Muuse Kibaar
Email: asadmuuse03@hotmail.com
Tell: 063-4453653