Qadarin la’aantii Xukuumada Iyo Qiimahii Ka Dambeeyay. Qalinkii: AA.Ciidle

0
35

Marka hore aan ku horayno macnaha xukuumad oo aan odhan karo waa dad wadaaga degaan iyo dal oo ku heshiiyay inay samaystaan qaran ay wada leeyihiin ,waxaana ka reeban mar haday qaran u bixiyeen waxaa halkaa isna ku hadhaya qabiil,waayo waa xeedhadii danta guud oo lawada leeyahay.

Waxaana u shaqa taga oo hogaamiyaha qarankaasi lagu heshiiyay uu diranayaa dad isku arka inay yihiin shaqaale itaal daran oo daal mooyaane aan ka taransan haanta waxaana dawladaha dadkoodu ay fikirayaan sareeya waxaa awooda koowaad iska leh shacabka waxaanay waqti walba heegan u yihiin inay waxkasta oo dhaca ay la hadlaan dadka ilayn waa shaqaale waar shacabkii na soo doortayoow meheradiinii maanta ninbaa ka dhintay waar dadkii nasoo doortayoow maanta hantidiinii intaasaa la lunsaday ninkii cunayna waanu haynaa iyo wax la mida.

Laakiin Soomaaliland waxaa ka jira dawlad inoo dhuumatay oo dadka oo sagaal sanadood dadka la hadlaysay ,wax walbana balan qaadaysay inay qaban doonto laakiin markii ay xilkii la wareegeen ka dhigay meherad ay leeyihiin oo sida ay doonaan ugu tagri fala qof ala qofkii run ka sheegana waxaaloo qabtaa sagaal shir jaraa’id waxaa kula wada coloobaya caruurtiisii islaantiisii iyo ehelkiisii ilayn bakhaarkoodii baad wax ka sheegtaye ,waxaa loo dudayaa waa waxaan ka soo hadlay ee ahaa wax lawada leeyahay oo loo bixiyay qaran waanan ka hadlaynaa maayarka u haysta inuu fadhiyo bakhaarkiisii iyo wasiirka u haysta inuu fadhiyo bakhaarkiisii isaga yaa og waxaana la sheegi waxa uu ka qabsaday hadii dawlad sheegta la waayana ilaahay baa noo sheegi waayo Ilaahay isagaa inoogu sheegay quraankiisa inaanu Ilaahay adoomahiisa dulmiyin.

Gabilay baan ka shaxaynee waaniga taraaray ee isku qaaday wadankiiye,bal aan u soo noqdo u jeedadii aan qalinka u qaatay.

Habeen dhawayd maxaa dhacay waxaa dhacay,in lagu dilo laba sarkaal xero ku taala magaalada Qorilugud ee gobolka Togdheer dhagar abaabulan oo uu galay gacan ku dhiiglahii iyo qaar kaalmeeyay,waxaanay xukuumadii ay ahayd inay shacabka uga waranto waxan dhacay ay iska fadhiyeen goobaha hotelada iyo guryahooda .

Waxaanay u haysteen in warkani ka dhacay wadanka Baakistaan oo waxaa la sheegay in wasiirada qaarkood uba faataxeeyeen labada sarkaal ee ku dhinay wadanka Baakistaan.

Bal ka warama waa dawlada aan ka sugaynay horumar iyo inay inoo dhisto wadada Ceeri gaabo ee caruurta bilaa quraacda ah laga urursaday .mataas baan ka sugaynaa inay caalam kale wax u sheegto? mataasaa ictiraaf laga sugayaa? waa maya,markii baylahdeedii la buuxiyayna ee ay ka hadleen dadkii soo jeeday sida madaasha wadatashiga sida Jamaal Cali Xuseen, sida Waddani dee ilaa intee,markaasaa waagu dabadooda ka baryay markaasay eedayntii bilaa xuduudii bilaw Jamaal baa u jeeda leh, Cali Guray wuu saftay oo tolaw ma waxaa loo doortay raamsigooda ma waxaa loo doortay xawilaada lagacaha ma waxaa loo doortay arooska minyarooyinkooda bal adba .

Maxaa ka dambeeyay? waxaa ka dambeeyay ismaqiiq bilaa xuduud ah oo lagu tagayo gobolka mar hore dhabarka loo jeediyay ee Gabilay,waa sagaal wasiir waa jeneraalo habsaamay, waa tacsi baaqatay, waa waa waa iyo Xirsi maxaa sasabaada sooqora baahiyaha dadkan kicinaya magtii imisaanu ka dhignaa hada nimankaa Gabilay ku tagay land cruserada  ayaa waliba daal tirsanaya laakiin iska daa ma dawlad baanu u ooyi? saw taanu duhur ka codaynay dawladii nasteexa dawladii xishoodka, dawladii u dambaysay habeen walba waxaan eersadaa fartayda .

Waxaan haday dhago leeyihiin cod dheer ugu sheegaynaa haday dhago leeyahiin waar waxaad joogtaan meheradii dadwaynaha ee lawada lahaa ee aynu u bixinay qaranka ee haysku iloobina, ha u cadhoonina, ha u dudina, dadkana ula hadla si aad tihiin shaqaalahii qarankaasi, anaguna hadaanu nahay dadkii meherada wayn lahaa ma aamusayno ee waanu eeganaynaa, ee kan ama tan ka gubanaysaay waxaad doonto samee dadkana intay daan ku gurman qiimo la’aan kolka hore garta qiimaha dadka idin doortay ay leeyihiin,waxaana kusoo gabagabaynayaa maqaalkayga ama afeef hore lahaw ama adkaysi dambe.

Wa bilaahi tawfiiq

Waa qalinkii,AA.CIIDLE

HARGAYSA SOOMAALILND

Alla Maganne; ASMARA Ayaa Ka Dhow ADDIS ABABA Weriye  A. A. Ciidle, Hargeysa, Somaliland
Alla Maganne; ASMARA Ayaa Ka Dhow ADDIS ABABA
Weriye A. A. Ciidle, Hargeysa, Somaliland

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here