London (Hubaal-W/wararka)-Daraasad ay si wada jir ah usoo wada saareen Khubaro u kala dhalatay dalalka Britain, Shiinaha, Faransiiska iyo Jarmalka ayaa waxaa lagu ogaaday dalalka ay dadkiisu ugu wahsiga badan yihiin caalamka. Daraasada ayaa waxaa lagu sheegay in inta badan shucuubta caalamka ay yihiin kuwo kawada siman wahsiga balse ay sii kala daran yihiin, waxaana xusid mudan in Qaaradaha Africa iyo Aasia ay kaalimahaa koowaad ka galeen wahsiga halka kuwa kalane ay ka yihiin wadamo kale. Waxa Xusid mudan in dadka soomaalida ahi meel hoose ku jiraan dhinaca wahsiga marka loo eego dhiggooda ku nool dalal badan oo qaaradda Afrika ku nool. Liiska dalalka ay dadkiisu ugu caajiska badan yihiin ayaa waxaa kamid ah:-
1- Sudan 84%
2- Koonfurta Sudan 60%
3- Nagiria 30%
4- Yemen 50%
5- Angola 45%
6- South Africa 20%
7- Libya 10%
8- Somalia 15%
9- Indunisia 40%
10- Shiinaha 60%
11- Pakistan 35%
12- Sacuudiga 20%
13- Qadar 5%
14- Kuwait 30%
15- Ciraaq 55%
16- Faransiiska 10%
17- America 25%
Daraasadani ayaa waxaa sameeyay khubaro ku takhasustay Cilmiga nafsaaniga, waxa ayna si wada jir ah usoo wada saareen Jadwalka kor ku xusan oo muujinaayo heerka ay Shucuubta dalalkaasi ka gaadhsiisan yihiin wahsiga.