“…Qaar Baa Waxay Doonayaan In    (Dekedda Berbera) Uu Maareeye Yari Iska Haysto, Laakiin Haddii Aynaan   Ka Shaqayn Dadka,  Sidaas Saylac Ayey   Noqon Doontaa”- Feysal Cali Waraabe+DAAWO SAWIRRADA

0
35

“Dekadihii hareeraha innaga xigay oo dhan ayaa weynaanaya,  adduunkana maanta dekedaha waa la horumarinayaa, qaar waxay doonayaan inay meesha (Dekedda Berbera) iska haysataan oo maareeye yari iska haysto, laakiin haddii aynaan dekedaas ka shaqayn dadka soo dalbadayna si cadaalad ah loo eegin,   sidaas Saylac ayey innaga noqon doontaa,”- Akhriso Faysal Cali Waraabe Oo Dalka Ku  Soo Laabtay Kana Warbixiyey Xaaladda Dalku Maraayo Iyo Safar Shaqo Oo 4 Bilood Dibadda  Ugu Maqnaa

 “Meel La Ma Arag Ay Xukuumaddii Iyo Baarlamaankii Heshiiyaan Waa Labadii Loogu Talo Galay Inay Is Toosiyaan” Guddoomiye Faysal Cali Waraabe

Hargeysa (Hubaal)-Guddoomiyaha  Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa dalka ku soo laabtay kana warbixiyey ujeedada Safar 4 Bilood qaatay oo uu waddanka dibadiisa uu ugu maqnaa, waxaana uu Faysal ka hadlay Xaaladda guud ee Dalka Somaliland haatan maraayo iyo arimaha Doorashooyinka, Dilalka Xukuumaddu fulisay, Doorashooyinka dib u dhacay  iyo hadal ka soo yeedhay Jawaariga Somalia oo uu jawaab adag siiyey.

Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa shalay waxa Madaarka Magaaladda Hargeysa waxa kaga hortegay oo  si weyn ugu soo dhaweeyey Xubno ka mid ah  Masuuliyiinta sar sare ee Xisbiga UCID iyo qaar ka mid ah Taageerayaasha xisbigaasi isaga oo mud Afar Bilood ah dalka dibadiisa ku hawlo shaqo ugu maqnaa, waxaana uu si mug leh uga hadlay Xaaladda guud ee dalku maraayo isaga oo meelaha uu sida gaarka ah u taabteyna ay ka mid aheyd, Arimaha Doorashooyinka ee dib dhacay, faro gelinta Maamulka Muqdisho ee arimaha Somaliland iyo Isbahaysi uu ku dhaliilay Xukuumadda iyo golaha Baarlamaanka ee Somaliland.

Guddoomiyaha  Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe  oo ugu horeyn warbaahinta u faahfaahiyey u jeedada socdaalkiisa 4-ta Bilood qaatay ee uu dibadda ugu maqnaa waxaanu yidhi “Muda hada afar Bilood ku dhaw ayaan dibadda ku maqnaa, runtiina Dan qaran ayuumbaan ku maqnaa oo inagu oo isku jeesanay oo dantii qaranku baylahday ayaan isku xilsaaray , dadkii iga caawiyeyna aad iyo aad ayaan ugu mahad naqayaa waxaanan maray ilaa 10 Waddan oo ay ugu dambeysay Imaaraadka iyo Kuwait, waxaan Shir saxaafadeed ku bixiyey markii ugu dambeysay Magaaladda London halkaasi oo aad sidaan filaayo aan kaga hadlay u jeedada socdaaladeyda iyo xaaladda guud ee dalka, laakiin waxaan jeclay uun in aan maanta halkan ku farxay markii aan malqlay in Xukuumaddu bilawday dalalkal Qisaasta ah waxaan leeyahay waxaynu nahay umad Islaam ah waxaana Ciqaabta loo soo saaray in inta kale bad baado mana aha in aynu sharciga oo kaliya Ixtiraamna oo Sharciga ALLE in aynu Ixtiraamno weeye ,waxaan leeyahay maaha in Qisaastu 6-daasi qof uun ku joogsato ee waxaan leeyahay dad badan oo kale ayaa doonaaya inay cadaalad helaan oo wax loo Qisaaso oo dadkii dadkooda dilay Ciqaabta loo mariyo”

Isaga Oo arrimaha dekedda ka hadlaya waxa uu yidhi “Dekadihii hareeraha innaga xigay oo dhan ayaa weynaanaya, Jabuuti afar ayey dhisanaysaa, Boosaaso ayaa socota, adduunkana maanta dekedaha waa la horumarinayaa, qaar waxay doonayaan inay meesha iska haysataan oo maareeye yari iska haysto,laakiin haddii aynaan dekedaas ka shaqayn dadka soo dalbadayna si cadaalad ah loo eegin, dad khibrad leh oo innagala taliyana aynaan dalban way innagu baaryeysaa, waayo hareeraheena oo dhan ayaa la dhisayaa sidaas Saylac ayey innaga noqon doontaa, markaa waxaan leeyahay arinta dekedu waa inay wax cad noqotaa shirkadaha yimidna waa in si cadaalad ah loo kala dooraa,”ayuu yidhi Guddoomiyaha UCID.

Faysal oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Dhulkeena Somaliland maanta dagaal ayaa inagu socda aad iyo aad u weyn  waxaynu maanta la mid nahay Neef dhiigka da’aayo oo kale Neefkana marka la gawraca ee dhiigu ka da’aayo waxa ku soo urura Xayawaanka oo dhan oo ay soo uriyaan waxaanay rabaan inay Cunaan, maanta waynu qooma nahay oo Cadawgeena oo dhami waxa uu inoogu diyaar yahay sida xayawaankaasi oo kale , waxaana taasi ku muujineysa Jawaari ninka la yidhaahdo ee Guddoomiyaha u ah Baarlamaanka Somalia ayaa inoo hanjabay oo tiisiiba gabay oo saddex gabay oo mar hadii uu Jawaariba inoo hanjbay waxba inoo ma hadhsana ,taasina waxay ku tuseysaa in aynu xaqiiqadii dayacnay dadkeenii”

Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Md Faysal oo Xukuumadda iyo Baarlamaanka inay Isbahaysi Mudo korodhsi ah  leeyihiin ku dhaliilay waxa uu yidhi “Meel la ma arag ay Xukuumaddii iyo Baarlamaankii heshiiyaan waa labadii loogu talo galay inay is toosiyaan, loona heshiiyo in layska fadhiyo , waxa loo sameeyey in Xafiis kasta mudo shan sanno ah la fadhiyo , xeerka waxa loo sameeyey ciyaar ciyaar may aheyn ee in la Ixtiraamo weeye oo Baarlamaanka ayaa inagu bilaabay dawladdaha hoose ayaa Iyana inagu bilaabay oo iyada oo Baarlamaanku fadhiyo ayey dawladdiina hada u micilisaneysaa ,hadii aanu sharcigu shaqeynin waxba ma soconayaan oo gaaladaasi aad arkeyso ee Diinta haysanini waxay dhulkooda ku horumariyeen ee Cadaaladda ku helaan waa shariciga oo cadaaladda waxay qorteen ayey Ixtiraamayaan, doorashooyinku wakhtigooda inay dhacaan weeyaan, haddii ay dhici waayaana ogaan ayey u dhici wayday oo waa loo tashaday, golaha wakiilada ayaana danbiga leh,”

 Faysal Cali Waraabe  waxa uu intaasi ku daray“Horta maxaad u taqaanaan dawladda ?  maanta Xisbiyaddii midba ka mid ah dawladda (Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani), dawladdu waa Baarlamaanka iyo wixii ka sii farcama ,kaligay ayaanu noqonay (Xisbiga UCID oo anagana waa tii na laga weeraray berigii oo ee Xisbiga UCID la curyaamiyey oo meesha waar Mucaaridna ma jiro ee dawladdu  labadaasi ayey ka kooban tahay labadaasina waa heshiis  ,marka anaga xil na saaranina ma jiro oo intii aanu qaylin kareynay waanu qaylinay  oo waatii aanu xata madasha sameynay, marka laakiin arintani maanta  cunaha ayey naftii nootimid oo talo halka uu maanta dalku maraayo buuq iyo qeybsamaad looma baahna ee talo ayaa loo baahan yahay in layskugu yimaado oo madaxweynuhu gogosha fidiyo  oo guurtiddina wixii lagu heshiiyey ay saxeexdo  Indho Indho ma waxa uu doonayaa in uu meesha iska fadiyo Xaaji Cabdi maxa uu doonayaa in uu meesha iska fadhiyo waxani waxa weeye in sharciga la ilaaliyo oo in lagu gabado doorasho ayaa dib u dhacday oo aynu ku murano maaha ”

???????????????????????????????
???????????????????????????????

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here