Qaadhaan bixiyayaasha Somaliland doorashada ka taageeraa ilaa shalay waxay u kala dab qaadayeen Madaxwaynaha, Gudoomiyaha Guurtida iyo Shirgudoonka Wakiilada oo ah intii ..Cali guray

0
24

Qaadhaan bixiyayaasha Somaliland doorashada ka taageeraa ilaa shalay waxay u kala dab qaadayeen Madaxwaynaha, Gudoomiyaha Guurtida iyo Shirgudoonka Wakiilada oo ah intii ..Cali guray Qaadhaan bixiyayaasha Somaliland doorashada ka taageeraa ilaa shalay waxay u kala dab qaadayeen Madaxwaynaha,Gudoomiyaha Guurtida iyo Shirgudoonka Wakiilada oo ah intii ku lug leh ansixinta Komishinka & Wax ka bedelka Xeer Lam.37

Hargeisa-(Hubaal)- Gudoomiye-xigeenka 3aad ee Xisbiga Ucid Cali Guray ayaa naqdiyey kulamada Deeq bixiyaayasha maalmahanba isaga dab-qaadayeen Madaxtooyada,Shirgudoonka Guurtida Iyo Shirgudooonka Wakiilada,wuxuuna Boggiisa Face-book-ga soo dhigay Qormadan kooban. “Haday fooli timaado gudo qarsiimo hadhay.

 

cali2-300x254

Qaadhaan bixiyayaashii Somaliland hawlaha doorashada ka taageerayay, ee weliba kharashka ku baxaya 80% iyagu bixinayay ilaa shalay waxay u kala dab qaadayeen Madaxwaynaha, Gudoomiyaha Guurtida iyo Shirgudoonka Wakiilada oo ah intii tooska ugu lugta lahayd ansixinta Wax ka bedelka iyo Kaabista Xeer Lam. 37 iyo ansixinta xubnaha cusub ee Komishanka Doorashooyinka oo ah labadii arin ee muranka la geliyay. Hadii taasi jirto way jirtaaye waxa muuqata in beenti soo ururayso oo run la isugu wada imanayo oon meel lagu kala warwareegaa jirin. Madaxwaynuhu waxa kale uu markii ugu horeysay cadeeyay inay ka go’an tahay qabashada labada doorasho ee Madaxtooyada iyo Wakiilada oo isa saar ah oo isku maalin dhaca sanadka 2015ka taas oo iyaduna meesha ka saaraysa shakigii iyo murankii ku saabsanaa in la kala qaado labada doorasho iyo ta la horaysiinayo ama la dambaysiinayo.

Marka xeerka iyo Komishanka la ansixiyo ayaa la odhan karaa suurtogal nimada doorashooyinka oo hadda lagu qiyaasi karo 40% inay mar keliya ku boodi karto qiyaas 70% inay qabsoomi karaan labada doorasho kal dambe hadii Alleh yidhaa. Ku darso oo musharaxa KULMIYEna waa Madaxwayne Silanyo nin ku farxa iyo nin ka naxowba”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here