Laascaanood(Hubaal)-Ciidan hubaysan oo ka tirsan kuwa Maamul Gobolleedka Puntland ayaa shalay gelinkii hore la keenay deegaanka Tukaraq ee Gobalka Sool ee Somaliland,halkaasi oo doraad ciidamada Qaranka Somaliland ka saareen Maleeshiyaad kooxda Khaatumo ah Ciidankan oo ay hoggaaminayaan Taliye ku xigeenkii hore ee Booliska Puntland, Muxyadiin Axmed Muuse iyo Cabdi Yare ayaa saxaafadda u sheegay inay u socdaan sidii Somaliland looga ilaalin lahaa dhulka Puntland, wuxuna Muxyadiin sheegay inay u taagan yihiin la dagalanka Cadowga sida Al-Shabaab iyo cid kasta oo buu yidhi dhulka Maamulka Punland sheeganayo faro-gelisa,isagoo u jeeda Somaliland.
Ciidankan oo aad u hubaysan ayaa ka mid noqonaya ciidamo horay u gaadhay Deegaanka Tukaraq ee Gobalka Sool, waxayna masuuliyiin kale oo Garoowe kula hadlay Saxaafaddu sheegeen inay ka go’an tahay sidii la isagadhicin lahaa ciidamada Somaliland haddii ay mar danbe soo aadaan deegaannada Puntland, sida ay sheeganayaan ama ku doodayaan.Ciidamo Somaliland ka socda ayaa doraad gaadhay Deegaanka Tukaraq, wallow ay dib ugu soo baxeen markii ay ka caydhiyeen Maleeshiyaad kooxda Khaatumo ka tirsan oo la sheegay inay ku baadhan jireen gaadiidka xamuulka iyo kuwo dadka Rakaabka ah qaada ee u kala goosha Sool iyo Garoowe.
Illaa hadda dawladda Somaliland kama hadal ciidamadan ka socda Puntland ee la soo dhoobayo deegaankaTukaraq ee gobolka Sool.