Peshawar,Pakistan (Hubaal) Ugu yaraan sideed iyo afartan qof ayaa ku dhintay in ka badan Kontomeeyana waxa soo gaadhay dhaawacyo,ka dib markii bambo lagu qarxiyay masaajid ku yaala koonfurta Pakistan oo muslimiinta Shiite ah salaadii Jimce ee maanta.
Sida ay lagu soo waramayo Weerarkan ayaa wuxuu dhacay ka hor intii aan salaadii Jimce bilaabmin dadka ku hadla luuqda Indic ay ku cibaadaysanayeen.
Sidaana waxa sheegay Sharjeel Mamon oo ah wasiirka warfaafinta
Masuulka Cusbitaal u adeega bulshada oo ku yaala magaalada Shikarpur ayaa sheegay dhimashada 48 qof iyo dhaawaca 50 qof oo cusbitaalkaas la dhigay.
Weerarkan ayaa waxa sheegtay kooxaha mayalka adag ee magacooda la yidhaa Jundallah,sidaana waxa sheegay afhayeenka kooxda Jandullah Axmed Marwat
Ra’iisu wasaaraha Pakistan Muhammad Nawas ayaa dhaleeceeyay dilka waxaanu wacad ku maray inay la dagaalamayaan kooxaha xag-jirada ah
Tirade dalka Pakistan ayaa waxa u badan muslimka Suniga ah,muslimiinta shiicada ah ayaa waxa lagu qiyaasaa boqolkiiba toban ilaa shan iyo taban inay yihiin tirade guud ee dalka Pakistan,sidaana waxa sheegay CIA world facebook
Mustafe Maxamed
Hubaalmedia.net