Waxay Sheegeen in Maayirku ku tagrifalay dhulka deegaanka Tuulada Lafo-ruug
Hargeysa (Hubaal) Qaar kamid ah odayaasha tuulada Lafo-ruug ayaa cabasho ka muujiyay maamulka degmada Madheera oo ay kaga cawdeen inuu dhul daaqsimeedkii bixiyey, isla markaana waxay baaq ay kaga cabanayaan amuurtan u direen xukuumadda uu madaxweynaha ka yahay Muuse Biixi Cabdi.
Odayaasha Tuulada Lafo-ruug oo warbaahinta mariyay baaqoogan cabashada ah ayaa waxay yidhaahdeen sidan;
“Waxa jira dhul-beereed iyo dhul-daaqsimeed, dhul-beereedka waxa siin kara sharci, wasaaradda beeraha. Dhul baa jira lagu bixiyey sharci-darro oo uu bixiyey guddoomiyaha degmada Madheera, oo dhu-beereed ah, awoodna uma laha inuu bixiyo. Waxaanu leenahay arrinkaa, haloo soo jeesto oo xukuumaddu kasoo eegto. Baaqan cabashad ah waxaanu usoo jeedinaynaa Madaxweynaha, iyo xukuumaddiisa inay lanala eegaan dhulka oo sida ay ukala dhawdhaw yihiin, dhulka xoolo daaqeenka ah iyo dhulka beeraha, waa lakala garanayaa, oo cid baa weji kale u martay oo aan xaq u lahayn oo baloodh magaallo gudaheed ah uun ku shaqo leh, waxay tilmaamtay inay Hikter Kiiloomiterka gaadhiga ku bixiso dhul bilaa sharciya oo xoolo-daaqeen ah. Guddoomiyaha degmada Madheera ayaa bixinaaya dhul aanu sharci ah u haysan, markaa xukuumaddu hanaga soo gaadho oo hanala eegto meeshan waxa ka socda.
Dhul deegaameedkii Tuuladan Lafo-ruug, waa lagu tagrifalay, oo cid aan awood u lahayni ay ku tagrifalayso, oo dadkii layku dilaayo, layskaga horkeenayo, cidaas oo fulinaysa marba cida ay share la gasho ee iyaduna danaheeda gaar ah ka fushanayso, waana Maayirka. Maayirku maalin dhaweyd ilaa saddex boqol oo talaabo oo laba nin ay isku haystaan, oo midkasta gurigiisii uu kii kale kudul ooday, ayaanu iskugu nimid oo maayirku labadaasi nin mid la dhinac yahay, oo warqad jeebkiisa ah u sameeyay, baanu iskugu nimid, waxaan ku idhi maayirka ‘awood adna uma lihid annaguna waxba kama ogin odayaashii iyo guddidii magaaladdan ee ka daa’. Wuu noo hanjabay, tahdiid farabadn oo hore oo sidaas oo kale ahina way jireen.”
DAAWO: