Nuxurka Xogwarran Uu Madaxweynaha Somaliland Shalay Siiyey Wakaallada Wararka Ee Associated Press [AP]

0
86

Madaxweyne Muuse Biixi oo Difaacay Asbaabaha ay Somaliland ula Xulafowday UAE

Hargeysa(Hubaal)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa si adag u difaacay danaha dhaqaale iyo ganacsi ee ka dhexeeya Somaliland iyo dalka Imaaraadka Carabta (UAE). Siday baahisay wakaallada wararka Somaliland ee SOLNA, Madaxweyne  Muuse Biixi Cabdi oo  Salaasadii shalay  Hargeysa ugu waramay wakaallada wararka ee AP, ayaa difaacay heshiiska Imaaraadka carabtu ay saldhiga millatari kaga dhisanayso Berbera. Madaxweynaha Somaliland waxa uu sheegay in dalkiisu u baahan yahay waddan saaxiib la ah oo ay iska kaashadaan dhinacyada millatariga. “Waxaanu u baahan nahay waddan saaxiib ah oo aanu iska garabsano ammaanka iyo millatariga,”ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi. Madaxweynaha Somaliland wuxuu sababeeyey asbaabaha  ay ula xulafoobeen  dalalka Imaaraadka carabta iyo Sucuudiga. Md. Muuse Biixi wuxuu xusay   in ganacsiga  iyo hantida reer Somaliland ay taalo  Dubia isla markaana baddeecadaha  Somaliland loo soo dhoofiyaa ay soo maraan waddanka Isu-tagga Imaaraadka carabta. “Waxaanu la wadaagnaa cilaaqaad ganacsi iyo dhaqaale sidaas darteed waxaanu la xulufoobaynaa iyaga,”ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi. Wakaaladda AP ayaa  werisay  in  Somaliland ay ka nabadgelyo wanaagsan tahay  Soomaaliya. Waxaanay  wakaalladu  faahfaahisay   heshiisyada ay Somaliland  la gashay Shirkadda DP WORLD iyo  dawladda Imaaraadka carabta.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here