Nuxurka Wadahadalladii Dhexmaray Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya iyo Weftiga Somaliland ee Guddoomiyaha KULMIYE

0
39

Addis Ababa (Hubaal )- Ra’iisal-wasaaraha dalka Itoobiya Mr. Hailemariam Desalegn iyo wefti ka socda Somaliland oo uu hoggaaminayey Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan meeqaamkiisu sarreeyo oo ay ku yeesheen qasriga Madaxtooyada looga taliyo waddanka Itoobiya Khamiistii waxay kaga wadahadlay arrimo ku saabsan xoojinta iskaashiga iyo xidhiidhka ka dhexeeya labada dal.

muuse biixi & reysal wasaarha itoobiya

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi iyo weftigiisa oo ay xubno ka haaayeen Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha Dibadda, Madaxtooyada, Daakhiliga iyo Safiirka Somaliland ee Imaaraadka waxay kulanka ay la yeeshee Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya oo qaatay saacado badan ku falanqeeyeen kor-u-qaadida kaabayaasha dhaqaalaha,, gaar ahaan dhismaha waddada isku xidha Somaliland iyo Itoobiya si ay u xoojiso isticmaalka Itoobiya ee Dekedda Berbera, ka wadashaqaynta nabadgalyada iyo iskaashiga labada dal.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here